Akhristayaal intiinii la socotay maqaalkii hore eek u saabsanaa xoriyada iyo madaxbanaanida hadalka ,madaxbanaanida maskaxeed, qofku waxa uu rumaysanyahay inuu soo bandhigi karo iyada oo aan qof kale/koox kale ku khasbin waxay doonayaan , ayaa waxaan sii dhamays tirayaa sida ay u jiri karto xoriyatul qowlka , inuu qofku aragtidiisa u madaxbanaanaado , xoriyad u helo garaadkiisa iyo maskaxdiisa ,sida loo suura galinkaro jiritaankeeda, si loo helo bulsho xor ah oo aragti leh .
Waxaa la rumaysanyahay in Xoriyada fikirka , xoriyada aragtida (freedom of expression ) ay tahay furaha horumarka iyo nolosha bulshada , si markaas looga faaiidaysto maskaxda ummada ,loo helo aragti wacan oo wax u tarta nolosha bulshada iyo horumarkeeda , waa in la helaa madax banaani maskaxeed ama xornimo aragtiyeed oo dhamaystiran oo aan khasab iyo xoog toona ku salaysnayn.
· GOORMA AYAA LA HIRGALIN KARAA XORIYADA RA’YIGA ? MAXAA SUURO GALIN KARA, INAY BULSHO U MADAX BANAANAATO ARAGTIDEEDA ? JAWI NOOCEE AH , SIYAASAD NOOCA AH AYAY U BAAHANTAHAY MADAXBANAANIDA MASKAXEED EE BULSHADEEDU U OOMANTAHAY ?..
Akhriste suaalahaas Ayaan bal isku dayayaa inaan ka jawaabo si kooban , ka dib waxaynu fahmi doonaa sida looga abuuro karo guud ahaan ga’yiga somaliyeed , gaar ahaana ga’yiga Somaliland xoriyada iyo madaxbanaanida qofeed , maskaxeed , aragtiyeed oo sal u tahay horumar iyo nolol wacan .( waayo aragtida madaxa banaani hadaanay keenayn horumar iyo nolol wacan ama aanay ku jihaysnayn dhismaha bulshada iyo xalinta dhacdooyinkeeda lama odhankaro waa aragti togan).
Somaliland markaad eegto bulshada ku dhaqan nooc kastay tahay , haday aqoonyahan noqoto , haday dhaqan noqoto , haday dhalinyaro noqoto , haday haween noqoto IWM. cid waliba cidbay u xidhantahay , kama jirto wax la odhankaro madaxbanaani aragtiyeed oo ah inuu qofku shakhsiyadiisa u rogrogo arimaha noloshiisa iyo baahidiisa qofeed/bulsho/ qaran . dhaqankaas oo sahlay in bulshadu noqoto lahaystayaal waxaa sabab u ah ama dhiirigaliya waa had iyo jeer cida xilka u haysa ee hogaaminaysa . sabab ninkii masuulka qaran ahaa ee loo baahnaa inuu isagu madaxbanaanaado , oo uu bulshadiisa dhiso , Ayaan madaxbanaanayn oo laftiisu cid u xidhan isagoo xil qaran haya . marka aanay badaxbanaani aragtiyeed ka dhex jirin golayaashii iyo masuuliyiintii hogaanka u ahaa bulshada , bulshadiina la midbay noqotay oo nin waliba goosan ayuu dhan u soocday uu isagu daabaqadaystay sidii adhiga .
(BULSHO KASTA OO NOLOSHA ADUUNKA HORUMAR KA SAMAYSAY , WAA BULSHO XOR U AH GARAADKEEDA , TUUJISA MASKAXDEEDA IYO ARAGTIDEEDA NOLOLEED, BULSHO KASTA OO NOLOSHA ADUUNKA AAN WAXBA KUSOO KORDHIN KANA HADHA , WAA BULSHO AAN AWOOD U LAHAYN INAY XOR U NOQOTO ARAGTIDEEDA IYO MASKAXDEEDA OO LOO DIIDAY INAY MASKAXDEEDA WAX KA SOO SAARTO).
Sida la rumaysanyahay ama loo badanyahay , lama heli karo xoriyad aragtiyeed , ra’yi, ama madaxbanaani qofeed ilaa la helo afartan arimood ee hoose :
Qodobka 1aad: Masuuliyad (Responsibility): Waa in la helo nuu bani’aadamku naftiisa masuul ka yahay .inaan cidina masuul kaa ahayn , waxii aad gashana adiga lagu waydiinaayo . (Citizens must understand their personal and social responsibilities). In aadamuhu fahmo masuuliyadiisa qofeed, in uu qofku fahmo waxii uu isagu galo shakhsiyan in qiyaamaha la waydiinaayo kaligiii , waxii wanaaga ee uu sameeyana in kaligii laga abaalmarinaayo ,inuu fahmo noloshiisa inuu isagu leeyahay aan qof kale lahayn , inuu adamuhu is waydiiyo maxaad u abuurantahay ma inaad nolol wacan hesho if iyo aakhiraba mise waxaad u abuurantahay inaad cid u shaqayso, u xidhnaato . is waydiiyo xil noocee ah ayaa kaa saran naftaada , bulshadaada , iyo qarankaagaba ?, fahamka masuuliyada ku saran ayaa kuu diidaaya inaad cid u xidhnaato, ama cidi ku yeelato .
Masuuliyadu waa qodob aasaasiya marka la eego nolosha bulshada ,qofku haduu fahmo , iyadaa kuu diidaysa waxwalba oo qof ahaan kugu xun , bulsho ahaan iyo qaran ahaana ku xun, sida, xatooyada , munaafaqada, xadgudubka noocuu yahayba , naftaada inaad dulmido oo lagaa dhex hadlo habeen iyo maalin , musuqmaasuqa iwm.
Dhanka kale masuuliyadu iyadaa ku diraysa, oo kuu diraysa inaad bulshadaada ka caawiso waxii aad awoodo , iyadaa kuu diraysa inaad umadaada dhibka ka saarto hadaad madax doonayso , hadaad wasiir tahay , hadaad xil rabto , intaad maskaxdaada shiisho , oo aad aragto dhibka bulshadaada haysta , hadaad isku qanciso inaad dhibkaas wax ka tari karto IWM Mishiinka ku dhaqaajinayaa waa masuuliyad .. masuuliyada qofnimo , bulsho ama qaran eek u saran ayaa ku hogaaminaysa waxna kuu diidaysa waxna kuu diraysa ,, wa marka la fahmo.
Waxa laysku waafaqsanyahay hadaanay masuuliyadi jirin , madaxbanaani qofeed, bulsho , dowladeed jiri mayso . tusaale madax baanida dowladaha siiyo waxa la aqoonsadaa markay masuuliyad qaadaan .(sovereignty &responsibility cannot be separated in the eyes of international conventions).
Sidaas daraadeed , hadii la rabo inay umadu xor u noqoto aragtideeda , iyo shaqsiyadeedaba , waa in la helaa masuuliyad qofeed , mid bulsho iyo mid maamul ba .
Qodobka 2aad: Ilaalinta Xurmada Bani’aadamka : ( Respect & Protection of Humanity): Arinta labaad ee keeni karta xoriyad waxa weeye ,in bani’aadamka karaamadooda la ilaaliyo. Waa in qofka bani’aadamka ah la fahmo. Waa inay bulshadu fahamtaa qof waliba in ilaahay awood gaara siiyey , fikir gaara siiyey ilaahayna ku karaameeyey sidaa ilaahay u abuuray . waa in lagu ixtiraamo ra’yigiisa , maskaxdiisa qofeed , tamartiisa , aqoontiisa iwm . aan qof kale isku dayin inuu wuxuu rabo ku khasbo .
Ninka masuulka ah , ama hogaamiyaha ah waa inuu garto fahamkaas in dadku kala duwanyihiin , in fikirkiisa laga duwanaan karo , in laga aragti wacnaan karo , in lala doodi karo , in aragtidiisa mid lidi ku ah bulshada ka iman karto oo uu ku karaameeyo aqbalona . hadii dareenkaasi jiro madax iyo mijaba umadana lagu dhiso in laysku tixgaliyo kala duwanaanshaha iyo qadarinta bulshada dhexdeeda , waxaa la helayaa umad dhisan oo doodi karta oo afkaartooda cabiri karta . waxa meesha ka baxaaya cunfiga , iyo xooga , khasabka umada lagu khasbaayo waxaanay rabin , cabudhinta iyo waxii la halmaala.
Hadaan la helin xurmo iyo ilaalin , la ilaalinaayo karaamada umada , xornimo iyo madaxbanaani lama gaadhayo kolba cida xooga leh ayuunbaa umada ku durdurin doonta .
Qodobka 3aad: Qaanuun ama sharci: (law or constitution): Si loo helo xoriyad maskaxeed oo bulshadu yeelato , waa in la helo wax dadka ka wada sareeya oo la wada hoos joogo , oo ka wada sareeya , oo xadeeya xoriyada fikirka iyo aragtida , halkay ka bilaabanto iyo halkay ku dhamaato iyo qof waliba waxa uu xaq leeyahay . Inaga dhibka ina haysta waxa ka mida wasiir ayaa raba inuu fikirka umada xadeeyo ,oo uu fikirka ka soo horjeeda cabudhiyo , isagiibaa sharcigii afduubaya . markaas aragtida iyo xoriyada hadalka waxa xadeeya sharci iyo qanuun, qof ma xadeeyo noocu doono iyo mansabka uu doono ha joogo.
Qodobka 4aad: Nidaam iyo kaladanbayn : (Administration with strong institutions). Qodobka 4aad ee suuragalinaaya in la helo xoriyad iyo xuquuq siman , ixtiraam bulsho , waa in la helo nidaam dhamaystiran oo waxaas oo dhan ilaaliya , kor u qaada , dhiirigaliya , dhisa oo ilaaliya .
Nidaamkaasi waa inuu isagu aaminsanyahay , masuuliyada oo hadafkiisu yahay inuu dhiso masuuliyada mujtamaca , waa inuu yahay oo laga helo inuu ilaaliyo karaamada ummada iyo xaqeeda fikir , aragtiyeed , waa inay ilaalinayaan sharciga oo ay raacayaan waxii umadda u yaala , ku ilaalinayaan mujtamaca iyaguna iska ilaalinayaan inaanay ku takri falin sharciga .
Maamulka cida gacanta ku haysa ee masiirka ummada ka talinaysaa waa inay yeelato sifooyinkaas , rumaysantahayna mabaadiidaas guuud ee umadeeed umadana ku dhisaan kuna hogaamiyaan masuuliyad , madaxbaani aragtiyeed , sharci loo simanyahay oo shakhsi walba qabta .
( INTAAS HADII LA HELO , LANA ABUURO JAWI NOOCAASA , WAXAY ILATAHAY IN LA XAQIIJIN KARO XORIYADA RA’YIGA ,MADAXBANAANIDA ARAGTIGA LANA HELO KARO ARAGTIYO KALA DUWAN OO NOLOSHA WAX U TARA , KORNA U QAADA QIIMAHA OO KOBCIYA RA’YAL CAAMKA BULSHADA).
FIIRO GAARA OO U BAAHAN IN MASKAXDA LAGU HAYO:
Shacbiga reer Somaliland wali xor umay noqon fikir kooda iyo maskaxdoodaba intii la helay dowladnimada , waqtigii dowladnimada ka hor reer guuraa ayaa la ahaa waqtigaas dadku xorbay ayaaheen si waa la odhankaraa .
Intii danbe ilaa waqtigii gumaystaha ingriska , umadda reer Somaliland , marna gumayste ayaa haystay oo madaxa kaga taagnaa , marna siyaad bare ayaa madaxa kaga taagnaa , waxii ka danbeeyeyna maamulo aan aragti lahayn oo aan ku haboonayn hogaaminta umada ayaa car juuq dheh ku hayey ama uga faaiidaysanaayey baahida bulshada haysata xaga nolosha oo ku iibsanaayey maskaxdooda iyagoo u isticmaalaya xoolahoodii iyo hantidoodii ……….
IN UMADA GARAADKEEDA MAR UUN LA XOREEYAA WAA MUHIIM .
INAY UMADU CAR JUUQDHEH IYO KHASAB KA NASATO WAA MUHIIM.
…. DHAMAAD………
Aad ayaad u mahadsantihiin.
Abdirashid Hussein Yusuf .
Email. gahaydhle@live.com.
Doha, Qatar.