War-weyn:Xidhiidh aanu la sameynay Xubno sarsare oo ka tirsan Qasriga madaxtooyada & Halkay ka timi in Cabdiraxmaan Saylaci Talada dalka lagu wareejiyo

Hargeisa-(Qaran-news)-Waxa maalmihii u danbeeyay si xawliya u socda xoggo & warar ka soo burqanaya Marfashyada iyo Goobaha lagu barjeeyo siiba kuwa aad looga taageero Xisbiga Kulmiye,Xoggahaas ayaa intooda badani ka hadlayaan Waqtiga doorashada iyo Madaxweyne siilanyo inaanu tahli Karin inuu xilka sii hayo muddo kordhin kale oo hadda loo sameeyo,Gudida Bilaa-shaarubaha ahina daaleen oo mudadii ay wax qarqarin karayeen dhaaftay.
Ku darsoo waxay Wararku intaas ku darayaan in Madaxweyne siilanyo mar kale muddo kordhin loo sameeyo,aanu dhamaysan Karin balse talada dalka ku wareejin doono Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylaci oo isagana la inshaarayo inuu Madaxweyne-ku-xigeen u xulan doono xubin ka mid ah golaha wakiilada oo madaxweyne Siilanyo isku beel yihiin,aan ku soo dhawaadee waxayba hadal hayaan qofka ama xildhibaanka Cabdiraxmaan Saylaci xulanaayo inuu noqon doono Ku-xigeen Cumar Sanweyne oo ay Madaxweyne Siilanyo Ilma-abti.
Yeelkeede markii aanu xidhiidh dhaw la samaynay Xubno sarsare oo ka tirsan Qasriga madaxtooyada, aadna ugu dhawdhaw madaxweyne Siilanyo & Marwadiisa,waxna ka weydiinay wararkan ku saabsan in madaxweyne Siilanyo xilka ku wareejinaayo Cabdiraxmaan Saylaci waxay noo sheegeen jawaabo isku-dhawdhaw & inaan wararkaas waxba ka jirin ee ay tahay warar ku-tiri-kuteena oo ay suuqyada dhigdhigeen Muuse Biixi Iyo kaadiriinta Kulmiye oo sas ka qaba in Madaxweyne Siilanyo xilka ku wareejin karo Cabdiraxmaan Saylaci oo hadiiba jaaniskaasi yimaadana uu Muuse Biixi daaqada ka saari doona,waaba haddii ay dhacde’e ,Muusena tuhunkaas qabo,taas la ajligeedna ay warkan suuqa & Marfashyada u gashadeen in la baahiyo ama la faafiyo.
Isku soo wada duuboo Wararkaas suuqyada,Marfashyada siyaasada iyo Bulshada lagu soo dhextuuray ayaa laysku raacay inay ka imanayaan dhinaca xisbiga Kulmiye oo shaki & Sas ka qaba waxa Muuse Biixi ku danbeyn doono haddiiba Cabdiraxmaan Saylaci si ku meelgaadha talada dalku Gacanta ugu gasho amaba kalsoonidaro ku taxaluuqda waxay ka filan karaan.
Qarannews