Wasaaraddii Xanaanada Xoolaha oo baaba’day iyo Vet. Boardkii oo kasii daray
Waayadan danbe waxa xukuumadaha soo noqnoqdaa wasaaradda usoo magacaabaan masuuliyiin aan wax aqoona u lahayn xoolaha sida wasiir, wasiirkuxigeen, wasiiru dawle iyo agaasime guud. Taasi waxay abuurtay in nin dan gaar leh oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka ninka layidhaahdo Axmed Haybe uu siduu doono ugu shaqaysto wasaaradda dadkana kala dilo, nimankaa masuuliyiinta ahna uu siduu doono ugu ciyaaro.
Waxa wasaaradda ka jira golaha sare ee dhakhaatiirta xoolaha (Vet. Board) waxay iyaguna noqdeen kuwo u adeega Axmed Haybe iyo Cali Qudhaanjo oo dhawaan laga eryey dhakhtarka dekedda berbera iyo waliba ninka la yidhaahdo Ciise Nuur. Nimankaasi halkay wasaaradda sharciga ku ilaalin waxay noqdeen qawlaysato Haayadaha ku baadha oo diida in ururo xoolaha ka sheqyeyaa aay abuurmaan.
waxa intaa dheer in kooxo yari ay meesha qabsadeen
shaqo aan wali banaanaan wali iindhabadanina sugayaan 2017
Focal point…………… kolba hayadiii timaada inspection…………………………..kolba wixii dhoof
Agaasime waaxeed………… intaan qoladeyda badelaayo
Vet board ——————– inta qofkale loo igmanaayo
RVO ………………………… inta noloshayda kahadhay
DVO ………………… inta inspectionku jiro
BY Dr. Axmed Maxamed Cali (Axmed Tiita)
LEDO CHAIRMAN
ahmedtiita@gmail.com