Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

ilma Silaanyo,Saylici, Muse Biixi, Amina Weris, Maxamoud Xashi maxaa kala heysta by Abdi Mustafe

$
0
0

Inamadii ilma Silaanyo si deg-deg ah bay dalka ku yimaadeen. Waxay doonayaan na waa inay odeyga kaxeeyaan oo xaaladiisa caafimaad aanay fiicnayn. Saylici wuxuu qalay adhi badan oo ido u badan isaga oo ku ducaysanaya in Madaxweyne ku meel gaadha loogu cumaamado. Muse Biixi na cadho ayuu la sooyaan sanyay oo hadii Saylici kursiga fuulo oo uu golaha wakiiladana ka soo kaxaysto ku xigeen beesha Silaanyo ah dabeed Muse xaal kiisu wuxuu noqonayaa laabna la kacay lugana kuma taagni. Wuxu Muse is lahaa abaarta ka faaiideyso oo doorashadii ha la qabto hase yeeshee ummadu kama ogola dabeed juuq danbe lagama hayo halka ay Faizal Ciro VOA laga wareystay Muse isaga hadal ka soo bixi waa. Xisbiga Kulmiye na wuxu cadeeyey in aannu ummada dan ka lahayn ee uu kursi doon uun yahay dabeed gobolada bari cod uuma yaalo. Amina Weris sida Hargiesa la isla dhex maryo inamada ilma Silaanyo ayay ku soo kala hor jeedaan in odeygu meesha si kastaba ha noqoto ee uu baneeyo iyaduna weli wey ku sii dheg santay dabeed caadho ayay Dubai uugu maqantay iyo dudmo isku jirta. Silaanyo isagu wuxuu leeyey doorashada xiligeeda ha lagu qabto si uu dalka uuga baxo oo is daaweyntiisa uugu gacan banaanaado. Maxamoud Xaashi na isma jecla Saylici iyo Muse toona oo hawlahan soo kordhayna kuma farax sana oo wuxuu doonayaa in odeyga mudada loo kordhiyo si uu u sii liso wadanka. Madaxtooyadii giig sanaan jirtay waxay noqtay bahalo galeen oo shirar aan caadi ahayn ayuu qoysku ku jraa xaal kuna ma fiicna oo abaar adagina dalka way haysaa xukuumadina way kala daadsantay oo Somaliland bur-bur bay ku dhowday. Bal aynnu eegno qoyska Silaanyo halkay Somaliland dhigaan kolay meel khayrle laga fili maayo e.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>