Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Kulmiye waa lax dhunkani abaar moog

$
0
0

Horaa loo yidhi lax dhukani abaar moog. Kulmiyaa tabtaa ka dhigan oo sidii lax der-deran aan warba ka hayn in wadanka xolo iyo dad ba abaari saamaysay. Kulmiye sifaha uu kursiga dahabiga ah ku doonayaa maaha sidii uu ku heli lahaa oo bulshadu dhega-hooda iyo indha-hoodaba way qabaan in aannu dan ka lahayn cidii tabaalaysan. Kulmiye haduu taageero bulshada ku dhex heysto intuu xishoodo ayuu odhan lahaa sida Ucid iyo Waddani guga dabadiisa ayaynnu taratmaynaa. Waa xisbi is og in aannu cod ka helayn gobolada oo sidaa darteed buu xisaab qaldan ku dhuftay uu is leeyey inta la kala daadsan yay ka faaiideyso. Hadii Waddani iyo Ucid ay qaadaceen doorashada ma Kulmiye ayaa keligii isla tartami doona. Ninka Muse ee maanta oo dadki abaar owgeed u dhimanayaan yidhi doorasho ayaan doonayaa ee ummadu wada ogaatay in aannu damiir lahayn kursi uu fuulaa wuu ka dheeryey. La dooran maayo nin aan danta ummada wadin oo ka sii liito xukunka maanta taagan ee hantidii ummada wada xaraashay. Nin basaas u ahaa xabashida oo Hargiesa shumburada ku iibin jiray ayaa hadal hayn u lahaan jiray, shuburo garaamtaa la sheegee ama la shiilaa waa macaane talow yaa u sheega. Hadaba maanta talow yaa Muse u sheega in aan cidi dooranayn oo aannu dalkan madaxweyne sinaba uuga noqon doonin. Kulmiyow kursi aad fuushaa kaa dheer ee waxba ha is kadeedin.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>