Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Hadda ila yara dhugo by Ibrahim Tallaabo

$
0
0

 

Saddam xuseen oo ahaa madaxweynihii sharciga ahaa ee dalkii la odhan jiray Iraq ilaahay ha u naxariisto e.
Madaxweynahaas oo reer galbeedku ku dileen shirqool aan hore oga dhicin dunida carbeed, iyaka waa reer galbeedka e u gacan geliyay dalkii Iraq kooxo budhcad ah oo laga maamulo Iran.

Aan u soo gonda dego dulucda dhacdadan iga yaabisay ee aan odhan karo waa dhacdo aan hore uga dhicin dunidan casriga ah gaar ahaan dunida saddexaad.
Macallin wax ka dhiga jaamicadda Baqdaad ayaa waxuu arkay arday qishaya imtixaankii ka dibna warqadii ayuu ka qaaday imtixaankiina wuu ka saaray.

Ardaygaasi waxuu ahaa madaxweyne Saddam inaabtigii seedigiisna ah, ardaydii imtixaanka fadhiday ayaa waxay ka naxeen macallinkan iyo badda uu galay.
Lu’ay Dalfaax oo saddam inaabtigii iyo seedigii muu tegin ee macallinkii banaanka ayuu ku sugay isaga iyo afar saaxiibadiis ihi.

Macallinkii markuu soo baxay ayay si arxan daro ah u garaaceen shantii wiil ee kibirku indho tiray isla markaana gacan ayay ka jebiyeen macallinkii.
Hadaba macallinkii markuu kacay ee miyirkii ku soo noqday waxuu go’aansaday inuu u kaco xagaa iyo madaxtooyadii.
Madaxweyne saddam oo xoog mashquulsanaa ayuu muddo sugay.

Markii uu macallinkii madaxweynii la kulmay ee uu waxii ku dhacay iyo ciddii u gaysatay uu ka waramay, madaxweynihii xoog u cadhooday ayuu amray in la soo qabto wiilashii oo hortiisa la keeno.
Madaxweynihii waxuu macallinkii ku amray inuu garaaco shantii wiil oo inabtigii ku jiro mid walbana uu gacan ka jebiyo.

Macallinkii markuu arkay go’aanka madaxweynihii qaatay waxa uu codsaday inuu saamaxo da’yartan hasa yeeshay waxuu madaxweynihii amran in ilaaladiisii gaarka ahayd garaacdo wiilashan ku tacadiyay macallin waajibkiisii gudanaya isla markaasna mid walba gacan ka jebiyaan lagana duubo falkan cajalad lagana sii daayo TVga dalka si aan mar danbe caruurta madaxdu dhashay aanay ugu kibrin shacabka Iraq.

Hadaba madaxweynahaas oo reer galbeedku ku sheegeen keligii taliye sidaas ayuu dadkiisa ugu xaqsoori jiray, Somaliland oo uu ka taliyo madaxweyne la doortay farna lagu ridayo, maxaa ka dhaca ee ay caruurta madaxdu dhashay qaarkood ka sameeyaan Hargeisa.

Shacabka reer Somaliland ayaan u dhaafayaa faalada iyo dhacdooyinka dalka ka dhaca ee aanu madaxweynaha la doortay waxba ka odhan.

Qore:
Ibrahim Duale Sulaiman

tallaabo25@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles