TPLF oo weeraro cusub qaaday

TPLF ayaa weeraro cusub waxay ku qaadeen qaybo kamid ah degaanka Canfarta, sida uu warbaahinta u sheegay masuul u hadlay dowlad degaanka Canfarta.
Weerarkan ayay kooxda TPLF waxay ku qaaday magaalada Cabcala oo u dhaw magaalo madaxda degaanka Tigray ee Maqale, wuxuuna masuulka u hadlay degaanka Canfarta uu sheegay in weeraradaas oo ahaa kuwo culus ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah, isla markaana ay shacab badani ku barakaceen.
Dhanka TPLF ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay, oo ku saabsan weerarka la sheegay in TPLF ay ku qaaday degaanka Canfarta.