Waxa dhawaan wasiirka maaliyada iyo Morgan oo madaxtooyada ka wakiil ihi soo daabaceen lacag Somali ay ku urursanayeen dollarka. Sidaa darteed sicir barar xukuumada iyo xaawalada iyo caruurta xukuntaa samaynayaan weligiina hoos u degi maayo. Zaadka baroortu way ka wayntay oo Telesom waxa loogu dudayaa lacagtii nus millionka dollar ahayad ee ay abaaraha ku deeqeen bay xukuumadu leeday noo dhiiba aannu maamulee sidaa darteed baa Zaadka loogu cadhooday oo eed dusha looga tuuray. E-Dahab cidi ma istic maasho ee Zaad ka ayaa loogu gabanayaa. Waxa is weydiin le Tujaartii kale maye, maxay abaaraha uuga qeyb qaadan waayeen. Baxsane, Omaar, Dahabshiil, ilma indha deero. ilma Farax Xarbi…. Shirkadii keli ahayd ee abaaraha wax tartayna TELESOM shax siyaa sadeysan oo Zaadka suuqa lagaga saarayo ayaa la istic maalayaa hase yeeshee waxba ka socon maayaan oo sicir barar haduu Zaadku samaynayo Somaliya ayaa ka caban lahayd oo uuga sitic maal badan Somaliland. Maanta waa maalintii Zaadka aad loo adeegsan lahaa ee danyarta wax lagu gaadh siin lahaa. Dowladina waxay leeday danyarta ayaa sicir bararka samaynaysa…. Subxaan….Isku soo xoori oo Sicir bararka xukuumada ayaa samaysay o dollarka na urursata lacagana so daabacata dabeed islama qabsan karaan falalka foosha xun ee ummada lagu samaynayaa. Wasiirka madaxtooyada Maxamoud Xaashi wax aannu cilmigeeda lahayn buu ka hadlayaa oo uu is leeyey denba bes.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com