
Ilaa markii la dhisay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka
yahay todoba sanadood ka hor marna shicibku ma dareemin inay tahay
xukumad iyaga ka wakiil ah oo ka warwaraysa baahida iyo nolosha
dabaqadaha hoose ee bulshada, kaliya waxay ilaalisa danaha
ganacsatada waaweyn iyo dabaqada sare ee hantida leh.Yaala sharcigu
ma qabto, ma bixiyaan cashuuraha ku waajibay, haddii ay bixiyaanna waa
wax aad uga yar wixii laga doonayay.
Miisaaniyadda dalka waxaa laga rabaa meheradaha yaryar sida;
wadhatada, bacadleyaasha, caanalayda IWM iyo gaadiidka dadweynaha
sida; noocyada basaska iyo taggaasida oo waddooyinka lagu dhibo. Markii
baankii dhexe noqday fadhiid hawl gab ah waxa shaqadiisii la wareegay
ama lagu wareejiyay baanan ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Waxay ahayd inuu Baanka Dhexe controll’o hawlaha iyo dhaqdhaqaaqa
baananka ganacsiga, waxay ahayd inuu suuqa ku ilaaliyo qiimaha shilinka
Somaliland laakiin, baananka gaarka loo leeyahay oo raba inay helaan
faa’iidada ugu badan, waxay heleen fursad sida ay doonaan ugu tagri
falaan ama ay iyagu jaraan qiimaha isku bedelka shilinka Somaliland iyo
lacagaha qalaad iyaga oo aan ka baqayn in dawladdu soo faro geliso.
Sidaadaraadeed baananka ganacsiga ee la huwiyay magaca islaamka,
xawaaladaha, ganacsatada waaweyn iyo kharashaadka siyaadada ah ee
dawladdu sida masuuliyad darrada ah u isticmaasho ayaa ah sababaha
runta ah ee abuuray aafada sixir bararka iyo waliba xil gudasho la’aanta iyo
musuqmaasuqa madaxda sare oo balaayiin shilin suuqyada sarrifka soo
galiya si loogu bedelo doolarka Maraykanka, haseyeeshee wasiirradda
wasaaradda maaliyadda oo dhawr jeer la hadashay warbaahinta waxay
masuuliyadda sarif bararka dusha ka saartay sarifleyaasha danyarta ah ee
gidaarrada fadhida iyadoo isleh qari fashilaadda xukumadda gaar ahaan
wasaaradaha Maaliyada, ganacsiga iyo Baanka Dhexe (Al-miskiin
qaldaan).
Page 2 of 2
Sidaas oo kale go’aamada madaxtooyadu soo saartay kama duwana kuwii
hore ee xukumaddu qiiqa isku qarin jirtay waayo dhibaatada 80% dawladda
ayaa ka masuul ah, qiima dhaca shilinkuna wuxuu la kowsaday maamulka
xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, daawana uma noqon karaan aafada
sixir bararka iyo sarif bararka iyo guud ahaan dhaqaale xumida dalka.Hase
ahaatee, sidii caadada u ahayd markan xukumaddu waxay dambigeedii
iskaga leexisay labada shirkaddood ee Zaad iyo E-dahab.
Runtii waa go’aamo aqoon darro ka muuqato oo aan ku dhisnayn
xaqiiqada jirta. Waxaan u malaynayaa in cilmigii dhaqaalaha ee
Madaxweynuhu soo bartay in laga guuray ama uu shax guuray oo sidani
bas ka tahay sababta oo ah dhaqaalaha Somaliland kama liiteen
dhaqaalaha dalalka ugu yaryar uguna khayraadka yar ee gobolka sida;
Rwanda ama Jamhuuriyadda Jabuuti oo kobaca dhaqaalahoodu ka
horumaray dawladdo waaweyn oo waliba laga helo khayraad aad u badan.
Labadan dal waxa kala hoggaamiya madaxweyne Paul Kagame iyo
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo aan midkoodna soo baran cilmiga
dhaqaalaha.
Haddaba maxaa u dhexeeya madaxda waddamadan iyo kuwa Somaliland?
Kagame iyo Geelle waxay u heellan yihiin(Committed) inay dadkooda u
shaqeeyaan si ay noloshooda kor ugu qaadaan laakiin, Madaxweyne
Siilaanyo iyo team-kiisu waxay doonayaan inay ka xoogsadaan oo aanay
waxba u hambayn shicibka.
Soomaalidu waxay ku maammaahda: “Geessi malafsi bartay iyo doqon
milantay dhexdooda ayuu miidaame ka dhasha,” Bal haddaba aynu eegno
damiir xumada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo samirka gaamuray
ee dadweynaha waxa ka dhalan kara iyo halka ay ku dambeyso.
Abdirahmandami202@gmail.com