Masjid ku yaal dalka Canada oo la weeraray – shan ruux oo lagu dilay+Sawirro

Masjid ku yaal xaafadda Sainte-Foy ee gobolka Québec ee dalkaasi Canada ayaa lagu soo warramayaa in ay weerareen dabley hubeysan kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Booliska ayaa bartooda twitterka ku caddeeyay in weerarkani jiro, waxa ayna sheegeen in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse waxa ay ka gaabsadeen in ay faah-faahin ka bixiyaan tirada khasaaraha.
Marki uu weerarkani dhacayay ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay masjidka oo lagu magacaabo Centre Culturel Islamique de Québec ku sugnaayeen tiro dad ah oo lagu qiyaasay ilaa 40 ruux, waxaana warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in tirada dhimmashada ay gaadheyso ilaa iyo shan ruux.
Warbaahinta dalka Canada ayaa qoraya in la qabtay mid ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday oo ku hubeysnaa qoriga loo yaqaan AK-47, waxaana da`diisa lagu qiyaasay 20-30 sano inta u dhaxeysa.
Maamulka masjidka ayaa bartooda Facebook-ga soo dhigay muuqaal muujinaya howlgalka ay boolisku ka wadaan masjidka, weerarka kaddib.


