Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Donald Trump-ka dalka Holland oo jidka kusoo jira iyo taageero aan horay loo arag oo uu helay

$
0
0

 Donald Trump-ka dalka Holland oo jidka kusoo jira iyo taageero aan horay loo arag oo uu helay

Hoggaamiyaha xisbiga cunsuriga ah islamarkaana Islaamka aadka u neceb ee PVV Geert Wilders ayaa u muuqda in taageero aan horay loo arag uu ka helayo shacabka reer Nederland oo qaati ka taagan dadka soo galootiga ah iyo falalka argagixiso ee Yurub hareeyay.

Xog-ururin laga sameeyay dalka Holland ayuu si weyn ugu soo baxay xisbiga Geert Wilders, waxaana laga baqayaa in doorashada soo socota ee dalkaasi ka dhaceysa 15-ka bisha Maarso ee sanadkan uu kusoo boxo islamarkaana uu noqdo “Donald Trump-ka” dalka Holland.

Dhawaan ayay aheyd markii ra`iisal wasaaraha talada dalkaasi iminka haya uu farriin toos ah u diray ajaanibta dalkaasi ku dhaqan in ay dalka isaga tagaan haddii aysan qaadaneyn dhaqanka dalka iyo dadka reer Nederland.

Waxa uu r/wasaarihi sheegay in shacabka reer Holland ay iminka dareemayaan cabshi baahsan oo dhanka soogalootiga ah, ayna u haystaan in dalka lagala wareegi rabo.

Geert Wilders ayaa caan ku ah Islaam naceybka iyo cunsuriyadda, waxaana uu horay kitaabka qur`aanka uu ugu sheegay in uu la mid yahay buugga Hitler ee la magac baxay“Mein Kampf”


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>