Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dib ugu celiyey Golaha Wakiillada ansixintii derejo beddelka ahayd ee Golaha Wakiillada iyo Guurtidu ku ansixiyeen Degmooyinka Balligudbadle, Caynaba iyo Xaysimo.
Madaxweynaha ayaa dib u celinta derejo beddelka loo sameeyey ku sababeeyey in ay ka hor imanayso Distuurka iyo Xeerarka dalka u yaalla.

