Qoraal lagu baahiyay boga Twitterka ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in saraakiisha AFRICOM ay Somaliland u yimaadeen si ay u xoojiyaan xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya.
Qoraal ka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu Somaliland ula shaqaynayo si la mid ah dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya, iyo iyada oo la ixtiraamayo siyaasada Maraykanka ee ah Soomaaliya kali ah.
Halkan ka Akhri Qoraalka oo Dhamaystiran:-
