Ex-M/weyne Daahir rayaale kaahin oo ka hadlay Kulankii Qasriga Madaxtooyada ee M/weyne biixi & Hogaanka Labada Xsibi Mucaarad

Waan soo dhawaynayaa is af-garad kasta oo dhex mara Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, arimaha doorashooyinka in laga heshiiyaa waa lagama maarmaan, qarankeenu waa inuu hore u socdo oo uu noqdo mid sii wada geediga dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.
Guul Somaliland Nabad iyo barwaaqo ayaan u rajaynayaa Shacabkayga.












