Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28268

Lacagtii Imaaraadka ee uu Farmaajo xayiray oo Madaxweynaha Cusub ee Somalia fasaxay

$
0
0

Lacagtii Imaaraadka ee uu Farmaajo xayiray oo Madaxweynaha Cusub ee Somalia fasaxay

 

Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee xukumadda Farmaajo ay xayirtay sanaddii 2018 ayaa la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ayaa timid ka dib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horantii sanadkan wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali geliyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo. Waxaase markiiba go’aankaasi hor istaagay madaxweyne Farmaajo.

Safiirka imaaraadka maxamed Axmed Al’uthman ayaa la sheegay inuu maanta lacagtaasi la wareegay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28268

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>