Marka Doorashadda Madaxwaynuhu soo gelayso waxaad maqaleysa Isaxaaq oo ku dhaantaynaya H/jeclo Magaaladda haka baxdo,H/yoonis Magaaladda haka baxdo,Madaxwaynaha ayaanu raacsanahey…. .Xil.Guruuje

” kaftanka maanta, tolow isaxaaq xagee lagga soo xaadiriyaa ” .
Ilaa dawladii maxamed ibraahin cigaal
Marka riigaga biyaha la qaybinayo beesha isaxaaq lama xasuusto .
Marka dhaamamka la qaybinayo lama xasuusto.
Marka barkadaha la qaybinayo lama xasuusto.
Marka iskuuladda la qaybinayo lama xasuusto.
Marka dhakhtarada la qaybinayo lama xasuusto.
Marka wadooyinka la qaybinayo lama xasuusto.
Marka hargaysa isu duwayaasha loo qaybinayo lama xasuusto oo isaxaaq hal isu duwe weligii ma yeelan .
Marka xilalka kale ee heer gobol la qaybinayo lama xasuusto sidda dhakhtarka guud , madaarka , maxkamadaha iyo wakaaladda biyaha.
Sida isaxaaq inteenadda uga maqan yahey ee uu muudhkaa rabaaniga ah ugu jiro ayuunbaa doorashadda madaxwaynuhu soo gelaysaa mise waa isaxaaq oo ku dhaantaynaya , habarjeclo magaaladda haka baxdo , habar yoonis magaaladda haka baxdo, nabada hala ilaaliyo , madaxwaynaha ayaanu raacsanahey .
Tolow waa yaabe halkee isaxaaqa lagga soo xaadiriyaa xiligan oo kale mar kaleba cidi ma xasuustee .











