Haddii aan afti dadweyne lagu ansixin:
Somaliland oo Golayaasheedu Saldhig milatari saxeexaan waxay la mid tahay inay saxeexeen “ waarankii dhimashada Somalailand”
Jumhuuriyadda Somaliland waxaa soo iibsigeedu 80% ka yimaaddaa UAE
Xoolo nool oo ay UAE inaga iibsataa ma jiro marka loo eego Sacuudiga iyo Yemen.
Heshiiskii DP world Golaha wakiilada la jiidhsiiyay ayaa laga yaabaa in Saldhiga maanta la hadal hayaa ku jiray.
Saldhig milatari oo dawladd yar oo carbeed oo boqortooya ihi doonayso inay
Somaliland ka dhisato maxaa ka dambeeya:
Ma dawlado waaweyn baa ka dambeeya oo doonaya inay ka duulaan.?
Ma UAE ayaa iska horimaad gudhiisa kaga duulaysa?
Ma budhcad badeed ama xarakaata loo yaqaanno irhaabiyiin ayuu kaga duulayaa.
Dawladaha Carbeed ee loo yaqaan , Dawladaha khaliijka ee batroolka ku ghaniga ah, oo aan lahayn awood milatari oo ay ku ilaashadaan handtidooda iyo xukunkoodaba, waxaa ilaaliya dawladaha waaweyn oo ay la kula jiraan heshiis “bilateral “ ah. Waxaa tilmaan cad u ah wixii ciraaq ku dhacay markay Kuwait ku duushay.
Sidaas darteed , saldhiga UAE ay doonayso inay ka dhisato Jumhuuriyadda Somaliland waa arrin dawladaha waaweyni ka dambeeyaan. Mana laha UAE khibrad ay ku maamusho kana duusho Saldhig milatari oo dalkeeda debadiisa ah.
JSL oo ogolaata saldhig milatari waxay ogolaatay inay noqoto goob colaadeed oo markay ugu yartahay noqota xamaroo kale.
Arrintani waxay u baahantahay “Afti Dadweyne”. Haddiise saddexda gole ansixiyaan wax amniga dalka khalkhal iyo halis gelinaaya waxaan odhankaraa waa “khiyaamo Qaran” oo xukuumadda maanta jirtaa ka masuul tahay.
Dhamaan xeeldheerayaashii amuuraha milatariga ahaa waxay isku raacsanyihiin in saldhigani ka yeelo Somaliland bartilmaameed colaadeed oo uu Somaliland ka dhigayo “ Qof is-qarxiyay oo kale”
Heshiiska DP world Somaliland la gashay ayaa waxtar ugu filan haddii uu dhaboobo.
Waxaan ku talinalahaa:
In Xukuumaddu arrintan Afti dadweyne geliso ayada oo u soo bandhigaysa waxtarka uu leeyahay..
In Bulshada Somaliland muujiso awoodeeda ay ku diidantahay wixii nabad- gelyo- darro u keenaya.
In Golayaasha Dalka xukumaa ilaahay kaga baqaan masuuliyaddan uu u dhiibay ee uu ku tijaabinayo siday u gutaan.
(Xil) Hussein Ismail Yusuf
husseiniy.ismail@gmail.com