Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28247

Wefti ka socda Xisbiga Waddani oo Gaadhey+Ujeedka Safarkooda

$
0
0
Xisbiga WADDANI :-
Wefti ka socda haween weynaha Xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayso guddoomiyaha Garabka Haweenka Heer Qaran Marwo Foosiya Kayse Faarax oo ay weheliso Marwada musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Marwo Farduus Maxamed Rooble iyo madaxda gobolka Maroodijeex ee Garabka Haweenka ayaa Jeelka Gabiley ku booqday 23 Hablood oo xukumaddu u xidhay dibadbaxii nabadeed ee 11-kii bisha Isbahaysiga mucaaradku sameeyay.
Masuuliyiinta ayaa u kuur galay xaaladda hablaha ee jeelka islamarkaana hadalo dhiirigelin iyo dardaaran ah u jeediyay.
Masuuliyiinta gobolka Gabiley ee Xisbiga WADDANI iyo xoghayaha Xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka Maxamed Cabdillaahi Bookh ayaa Madaxda garabka haweenka si diirran ugu qaabilay magaalada Gabiley.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 28247

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>