Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Sheeko Kale: Ma Dayay …?

$
0
0

Habar dugaag ayaa shir weyn isugu yimi. Way is canaanteen.

Waxay yidhaahseen, “Sidani dan ma aha. Duurjoog iyo debedjiif ayaynu nahay. Diif iyo darxumo ayaa inna haysa. Waa in aynu sida dadka u dhaqanaa. Waa in aynu daawo yeelanaa. Waa in aynu is dugsanaa. Waa in aynu duunyo dhaqanaa.”

Habardugaag waa is dugsaday. Daawona waa yeeshay. Duunyona waa dhaqday. Ka dibna, hodan ayay noqday.

Dayo oo dheregtay ayaa dibiro jiifsatay. Inta uu malihi la durkay ayaa waxay diiradda saartay sidii duunyada habardugaag keligeed u wada qaadan lahayd.

Tabtii iyo xeeladdii lagu yaqaanay ayay maleegtay. Atoor sakaaro ilaa aar libaax, kolba siday mid dabin ugu qoolaysay, ayay wada khaarajisay.

Duunyadii habardugaag oo badatay oo baahday ayaa dad arkeen. “Waar, waxan oo duunyo ah yaa leh?” ayay is weydiiyeen.

Nin ka war hayay ayaa yidhi, “Habardugaag ayaa leh.”

“Waar aan caawa dhacno waxan oo duunya,” ayaa mid kale yidhi.

“Waayahay,” ayay wada yidhaahseen.

Dayo duur agtooda ah ayay ku jirtay oo hadal kooda way dhegaysanaysay.

Waxay bilawday in ay weararka ku soo maqan ka hor tagto. Daasado iyo fidhiqooyin ayay soo urursatay.

Gablkii markii u dhacay ee ay habeen madow noqotay, dadkiina u soo socdaan in ay duunyada habardugaag dhacaan, ayay dayo hawlgal qaaday.

Daasadii iyo fidhiqooyinkii ayay isku xidhxidhay. Intay duunyadii qaar dusha ka saartay ayay didisay. Qulux, qalax, qulux, qalxa; meeshiiba sanqadh iyo sawaxan ayaa is qabsaday.

Dayona meel taag ah intay fuushay ayay qaylisaa oo ku dhawaaqday, “Waar fardaha qoobabkooda kala duwa! Waa fardaha qoobabkooda kala duwa!

Dadkii wererka ku soo qadayay ayaa sawxankii iyo hadalkii dayo maqlay. Waxay moodeen in ciidan xoog lihi habardugaag galay. Kolkaasay dib uga noqdeen.

Inta ay qosol u dhacday, ayay dayo tidhi, “Ma dayay dad moodeen, oo duunyo ugu yaaceen!!!?”

Abdisalam Mohamed
prof.abdisalaam@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>