Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Somaliland ma awoodaa ka qayb nowoshada dagaalka ka socda dalka Yemen

$
0
0

Somaliland Ma Awoodaa Ka Qeyb Noqoshada Dagaalka Yemen?
W/Q Maxamuud Xeef

Waxa aan shaki ku jirin dagaalka ka socda dalka Yemen uu ku bilaabmey muran iyo dood xaga awooda ah, oo ay kooxda Xuutiyiinta ahi ay doonayeen kaga mid noqoshada dawladii dalkaas ee hadda dabad wareega ah ee u hogaaamin jiray Madxweyne Cabdurabu Mansuur Haddi, oo laga saaray dalkaas bilawgii sannadkii tagay.
Dagaalka ka socda Yemen wixii ka danbey xilligaas wuxu isu badelay in dalkaas ay ku dagaalamaan laba dhinac oo kala ah, Sunniyiinta oo ay dawladii laga awood roonaaday ay miciin biday waxaana xulufadaas oo in ka badan siddeed dal hor kacaya weerarada ay ka geysanayaan dalkaas oo u badan kuwa cirka ah, dalka boqortooyada Suuciga careebiya oo dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba ka sareysa kuwa xulifada kula jira oo ka soo kala jeeda qaaradaha Aasiya iyo Afrika.
Dhinaca kalena waxa dagaalka kaga jira kooxda xuutiyiinta ah oo ku abtirsada mad-habta shiicada waxaanay gargaar milatari iyo mid dhaqaaleba ka helaan dalka Iraan oo isu arka inuu si gaar ah uga masuul yahay dadka shiicada ah ee dunida guudkeeda saaran, waxaanay kooxdaasi ku taageeraan markay xaga hubka noqoto kuwii ugu danbeeyey oo ridadooduna ay gaadhi karto meelo aad iyo aad u fog markay noqoqto xaga cabir rideedka lagu tuuraayo, waxaanay geysan karaan dhibaato aad u badan iyo saameyn aan la mahadin oo ka dhalata baaruda hubkaas casriga ah.
Hadaba saldhiga milatari ee ay dawlada Somaliland labadeeda gole ay todobaadkii tagay ay sida aan ka fiirsashada lahayn u ansixyeen, waxa uu noqon doonaa meel laga duulo kooxdaas xuutiyiinta ah ee xulufada Sucuudigu ay loodin ladahay muddo sannad ka badan iyadoo dalalkaasi ay yihiin kuwo dhaqaale ahaan iyo cududba aan Somaliland la barbar dhigi karin sinaba.
Wasiir ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland waxa uu warbaahinta qaarkood u sheegay inay Somaliland awood u leedahay inay iska cabin karto weeraro kaga yimaada kooxdaas haddii ay dhacdo oo gacanta gargaar ka helaysa dalka Iran siiyana hub khatar ah oo gaadhi kara meel aad u dheer.
Somaliland maaha dal dunida laga aqoonsan yahay, sidaa darted saldhig milatari oo dalshisheeye ah oo isaga laftiisa amaankiisa la sugo, wax faa’ido ah uma soo wado Somaliland arinta saldhiganina waxay saameyn ku yeelan doontaa ugu horeyn dadka dega deegaan ahaan gobol xeebeedka Saaxil, haday ahaan lahayd mid amni, mid dhaqaale iyo mid isu socodba, waxa intaas wehelisa in saldhigani uu saameyn ku yeeelan doono sidoo kale gobolada kale ee dalka.
Si kastaba Somaliland hadda waxay ku jirtaa marxalad nabadeed oo wanaagsan xag amni iyo mid dhaqan dhaqaale walaw bulshadu ay u baahan tahay gacan qabasho iyo caawimo, haddana qof kastaa wuxu naawilayaa nolol fiican mustaqbalka maadaama ay Illahay mahadi ha ka gaadhee uu jiro amni iyo kala danbeyn dawladeed.
Ugu danbeyntii, dareenka dadweynaha Somaliland dalka iyo debadaba waxa uu yahay in saldhig milatari aanu habayaraatee aanu wax dheef ah aan laga helayn dawladuna ay arinkaas ay dib uga wada fadhiisato wax dadka u cuntamana ka soo saarto, isla markaasna dani ay ugu jirto guud ahaan dalka oo aanay xagal daac u horseedin.
Maxamuud Xeef


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>