Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xoggo ka soo baxaaya safar la filaayo in Madaxweyne Siilanyo ku tago France dhawaan!.

$
0
0

War-weyn : Xoggo ka soo baxaaya safar la filaayo in Madaxweyne Siilanyo ku tago France dhawaan!.

Hargeisa-(Qaran-news)-Warar Qarannews ka heshay ilo wardeeyo u dhuun daloola Qasriga iyo Qoyska Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in la filaayo in dhawaan Madaxweyne Siilanyo u baqooli doono xagaa iyo dalka faransiiska.

siilaanyo1

Xoguhu waxay intaas ku dareen in Madaxweyne Siilanyo halkaas uu u tegi doono ama  loo geyn doono arrin caafimaad ka dib markii xubno ka mida Qoyskiisu go’aansadeen inay faylkiisa caafimaad ka wareejiyeen Dhaqtar uu awel hore xidhiidh la lahaa oo degan London-UK,asalkiisuma Eeshiyaan (Asian) yahay, xaaladiisa caafimaadna muddo dheer gacanta ku hayey.

Madaxweyne Siilanyo ayaa la sheegay inuu markuu tago faransiiska la marsiin doono baadhitaan caafimaad islamarkaana lagu sameyn doono camiliyad  iyo daaweyn xagga  Borostaytka ama kaadimareenka.

Madaxweyne Siilanyo ayaa beryahan danbe qaadanayey daawooyin uu kula tacalayo xanuun ka asiibay  Kaadihaysta isagoo awel horeyba qabay xanuuno dhowra oo isku kaashadey sida Macaanka iyo xanuun xagga xasuusta maskaxda la xidhiidha (Momery loss) iyo xanuuno kale oo xagga da’da amaba da’du wadato.

Isku soo wada duuboo xanuunadaa xogaha Qarannews heshay sheegayaan in Madaxweyne Siilanyo daaweyntooda la daladhacaayo ayaa suurtogeliyey in taladii Qaranka gacantiisa ka baxdo oo koox koobani awoodihii Qaranka siday doonto ugu takri fasho.

Qarannews

Hargeisa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>