Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28239

Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo sameeyay Xilka ka qaadis & Magacaabis Xubno ka tirsan Xukumadiisa & Ururka KAAH

$
0
0
WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE:-
 Xil Ka-qaadis.
1. Ku: Xasan Axmed Aadan
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka
Mudane,
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.
2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.
Mudane
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka

Magacaabid

Waxaan Go’aamiyey;
1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 28239

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>