Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

“Raaciya Raaciya. Waar Bax Waryaa, Bax Bax”. Weedhihii Guddoomiyaha Guurtia. Subxaanaka Yaa Cadiim.

$
0
0

Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay aduunka joogaan waxaa wali dhagahooda ka sii qaylinaya erayada kor ku xusun oo uu ku tiraabay guddomiyha glohaha guurtida ee Somaliland goor ay shir isugu yimadeen labada Gole iyo Madaxwaynuhu bishan Februay12, 2017. Waxaa umadda fajac ku noqotay habdhaqanka liita ee kalsooni darada laxaadka lahi ka muuqdo ee ay soo qorsheeyeen madaxdii hogaanka umadda u haysay. Waxaasi muxuu ahaa ? Muxuu ahaa waxaase ?

Madaxwaynuhu wuxuu kursiga ku fadhiyaa rabitaan shacbi oo dastuuri ah. Wuxuu xaq u leeyahay in uu ku hogaamiyo umadda wax kasta oo uu arko in danta dalka ku jirto. Hase yeeshee, waxaa kaloo sida umaddaha kale ee caalamka aynu samaysanay hay’ado la shaqeeya madaxwaynaha oo ku hubiya in Hawlaha uu qaranka u hayaa ka turjumayaan danaha umadda.
Hadaba marka uu Madaxwaynuhu heshiis uu umadda u matalayo la soo galo dawladdo ama shirkado kale, waxaynu wada ognahay in la maro dariiq lagu gaadho gabagabo go’aan umaddeed. Meesha ma taalo in sharcigaa iyo nidaamkaa aynu ku heshiinay la baal maro oo jujuub iyo hanjabaad lagu ansixinayo heshiis ay in yari ogtahay waxa uu yahay, sidii dhacday shirkii la isku dayey in lagu ansixiyo heshiiskii dawladda Imaaraatka iyo dawladda Somaliland. Madaxwaynaha iyo guddoomiyaha Golaha Guurtidu yey la dagaalamayeen ? yey u dagaalameen? Maxay u door bideen in ay sidan aan looga fadhiyin ee qiime dhaca ah ee ay karamadoodii iyo tii qarankanba u duleeyaan. Umaddu odayaasha kamay filayn in ay ku dhaqmaan wax aan ahayn dastuurka aynu ku wada heshiinay. Maxaa kalifay in aan haybadeenii ku tumano.

Haddii aynu dib u jaleecno foolxumadii dhacday bishan February 12 –keedii, dariiqa ay ahayd in loo maraa waa sidatan: Marka ay xukuumaddu keento heshiis dhamaystiran oo waadix ah, waxay u soo gudbineysaa golaha wakiilada. Golaha wakiilada ayaa loo qaybiniyaa heshiiska. Golaha wakiilada ayaa ka doodaya in heshiisku waxtar u yahay umadda iyo in kale. Golaha wakiilada ayaa ansixinaya ama diidaya heshiiska. Inagoo og in ay xukuumadda diyaar u ahaayeen 144 xildhibaan iyo guddoomiha shirka in ay ansixiyaan heshiiskan, maxaa keenay habdhaqankan cagajuglaynta, boobka, indho-adayga, is-qiimo tirka, ixtiraam darada iyo jahwareerinta ahaa ee ay xukuumaddu dan u aragtay. Lama garan wayin nidaamka inoo yaala ee heshiis caalami lagu hirgaliyo, balse waxaa halkan ka cad in umadda laga qarinayo arimo aan la doonayn in ay ogaadaan. Uamaddu waxay leedahay dawladnimada ciyaarta ha laga daayo. Umadani xariirta ee dulqaadka badani, ma gaydo in lagu dheeldheelo masiirkeeda, umana dulqaadan doonto cidii ay ku cadaato in ay si badheedh ah u marin habaabinayso.

Maadaama ay umadda arinkani ku abuuray shaki aad u balaadhan, waxay umaddu maxakamadda dastuuriga ay ka sugaysaa in ay waajibaadkeeda ka gudato marka ay hortimaada dacwada arinkan ku saabsan. Gudoomiyaha maxakamadda sare iyo kooxdiisa waxaa horyaala laba arimood oo kala ah: a) in ay sharafta iyo karaamada umadda ee hoos loo dhigay ay soo celiyaan iyo b) in ay iyaguna ka mid noqdaan xukuumddan xilkasnimo darada ka door biday sharaftii ay umaddu huwiyeen. Maanta waxaa umadda u soo bixi doonta in uu garsoorku ka madax banaan yahay madaxtooyada sida aynu caalamka u sheegno iyo in ay dhab tahay in garsoorku uu u adeego danaha gaarka ah ee madaxtooyada balse aanu u meesha u joogin qaranka Somaliland.

Ugu danbayn umaddu waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo dastuurka ay dhigatay Somaliland. In la isxurmeeyo lana dhawro karaaamada muwaadin kasta. In wixii caqligu diidayo lala kala xishoodo. In aan doqonimo loo arkin wada tashiga iga dhexeeya. Waxaa xaqiiqo ah in aynu ku soo caano maashay wada tashi ayna haboon tahay in aynaan wax ka badelin dariiqaas. Somaliland ha waarto. Cadawgeeda dibada iyo gudahaba ha la waayo.
Somaliland walee iilan mayso inta ay umaddeedu heeganka ugu jirto ilaalinteeda.

Abdirizak Ahmed Jama
rizakj@yahoo.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>