Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xukumadda oo dayacday degmada Yube ee gobolka Sanaag iyo dadweynaha oo arinkaasi ka hadlay

$
0
0

AQOONYAHANKA IYO DUUBABKA DHAQANKA DEGMADDA CEERIGABBO IYO YUBBE OO XUKUUMADA SOMALILAND KU EEDEEYAY IN AANAY WAXBA U QABAN DEGMADA YUBBE

Shir ay isugu yimadeen aqoonyahanka iyo duubabka dhaqan ee ka soo jeeda degmooyinka ceerigaabo iyo yubbe ee gobolka sanaag oo kulan wada jir ah ku qabtay magaalada ceerigabo ayaa waxay xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay ahmed maxamed maxamud siilanyo ku dhaliileen in aanay waxba u qaban deeganka bariga Sanaag.
Dhaliishan waxay aqoonyahanka iyo duubanku ku cadeeyeen in gabi ahaanba xukuumada xisbiga Kulmiye ay ilawday mudadii ay xilka haysay oo aan degmada yubbe xaqeedii degmo ahaaneed aanay ka helin lagana takooray bulshada Somaliland inteeda kale.
Yubbe waxa ay ka mid tahay degmooyinka lagu xisaabtamayo codkeeda maadaama oo dadka degaanku isku diwaangeliyeen doorashooyinka soo foolle .maanta bulshada reer yubbe waxay haystaan fursad ay masiirkooda siyaasadeed ku jaan–goyn karaan. Kulmiyena waa kulmiyihii hore u dayacay oo waxba iskama bedelin riyadii uu ku jirey iyo mooganaantii degmada ayuu wali ku jiraa.
Hadaba hadii aanu nahay aqoonyahanka iyo duubabka bariga Sanaag gaar ahaan degmada Yubbe waxanu cadaynanaa in aanu cod oolin degmooyinka Badhan iyo Dhahar sababtuna ay tahay in bulshada labadaa degmo ku dhaqani aanay is diwaangalin.
Laakiin si balaadhan la iskaga diwaangliyay degmada Yubbe oo codka barriga Sanaagna halkaa u yaal maanta ay tahay
Ejeedada kulankani waxay daarantahay Xukuumada Wakhtigeedu sii dhacayaa ay ugu soo jeesan lahayd ee wax ugu qaban lahayd degmada Yubbe,

Cadaalad daro ay bulshada reer yubbe ku sameeyey xisbiga kulmiye . haday ahaan lahayd heer gobol iyo mid qaran . arimihii bulshada aanu waxba ka qaban sida . caafimaddkii iyo waxbarashadii .

Yubbe waxay ku magacaaban tahay degmo mana laha dhamaan kaabayasahii iyo astaamihii dowladeed ee degmo lagu yaqaan sida Saldhig boolis. Yubbe waa meeshi lagu aasasay nabadii gobolada barri. Maantana maqaam siyaasadeed kuma leh dalka Jamhuuriyada Somaliland . waxana mudan in hoos loo eego dib loo saxo khaladka laga galay bulshda ku dhaqan degmada Yubbe oo xaqii ay lahayd wayday cid u garowdana aan haysan.
wasiirka gaashandhiga oo deegaan ahaan ka soo jeeda degmada ayaa ka mid ah mushkiladaha ugu waawayn ee hortaagan degmada maxaayeelay waxa uu sanduuqyo gaar ah ku shubtaa mashaariicdii loogu talagalay deegaanka.
Wasiirkan oo ku faana in uu ka mid ayahay wasiirada tirada yar ee waxkhtiga la dhamaystay Madaxweyne Siilaanyo Ayaan ka wasiir ahaan waxba u qaban bulshada degmada Yubbe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles