Shirar Xasaasi ah oo Habeenadii u dambeeyey Magaaladda Hargeysa uga socday Xildhibaanadii Doorashadii golaha deegaanka soo saaray Xisbigii Ucid, intioodii dhacday iyo weliba kuwii soo baxayba golayaasha deegaanka ee kala duwan, ayaa lagu go’aamiyey inay si wada jir ah Faysal Cali Waraabe kusoo oogan Dacwad khaayinnimo ah, isla markaana Maxkamad la tiigsan doonaan Maalmaha fooda inagu soo haya, kuwasoo ku eedeynaaya inuu Khiyaamo aan geedna loogu soo gaban oo sida xogggaha laga helaayo, lagu sheegay ay u daliishadeen inuu Afkiisa ka qirtay uu kula kacay Xildhibaanadii dhacay iyo kuwii soo baxay iyo sidoo kale Musharraxii Hantida badani ka gashay soo saaristii xisbigii New Ucid u ahaa ee Jamaal Cali Xuseen.
Dacwaddan ayaa la sheegay inay Xildhibaanadan laba kooxood ahi, ay Ciwaan uga dhigeen, in Musharrax Jamaal Cali Xuseen la qaato in Kiis Kiriminaal ah loogu soo oogo Faysal Cali Waraabe. Waxa kaloo dulucda ujeedadeeda lagu sii faahfaahiyey, Maadaama oo Faysal Cali waraabe xisbigaas shuruucdiisii iyo tii Somaliland ee dastuuriga ahaydba uu ku tuntay, isla markaana uu si cad u qirtay inuu khiyaameeyey Muwaadin xaquuqdiisii iyo Maalkiisina uu ka shubtay oo Bakhtigu xalaal u ahaa in Xabsiga loo dhigo. Sidoo kale, waxa la sheegay inay Xildhibaanadaasi Far Waaweyn ku sharaxeen qodobada garnaqsiga ah ee ay ku doodayaan inaanu Faysal Cali Waraabe xisbigii Ucid soo bixistisii iyo maalgelintiisi midna waxba ku lahayn, waxanay ku garnaqsadeen inuu Xisbigaasi ahaa laba qaybood oo isku tagay. Maadaama oo uu wixii la dhigtay ka baxay si cad oo jees-jees ahna warbaahinta uu uga cadeeyey, waxa ay tilmaameen in Xisbii Ucid ahaa, laba qaybood, sidaas daraadeedna qolo waliba ay wexeedii raaceen, waxaay tusaale uga dhigeen in Faysal Cali Waraabe ay raaceen Xildhibaanadii Salaxleyn iyo laba kamid ah golaha deegaaanka caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Iyadoo uu Jamaal Cali Xuseen-na kaxaystay dadkiisii, Xildhibaanadii kasoo baxay gobollada Awdal, Seleel, sheikh, Gabiley, Hargeysa qaar kamid ah, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo gobolka Sool iyo weliba qaar kaloo badan
Xildhibaanadan shirarku Magaaladda Hargeysa uga socdeen ayaa tiradooda lagu sheegay 35-Xildhibaan oo ka tirsan golayaasha deegaanka ee gobollada dalka oo dhan, bari ilaa galbeed iyo sidoo kale 40-xildhibaan oo iyaguna ahaa Mudanayaashii aan guuleystan ee dhacay doorashadii golaha deegaanka, ayaa la sheegay inay isku raaceen Maxkamad soo taagista Faysal Cali Waraabe. Waxa kaloo go’aamada ay gaadheen kamid ahaa, in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda dalka dibediisa ku maqani uu kala qayb qaato Dacwadaas Khaayinnimada ah ee lagu soo oogi doono Faysal Cali Waraabe. Wararku weli ma sheegin inuu dhinaciisa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen aqbalay iyo in kale dacwadaas inuu kala qayb qaadan doono iyo in kale.
Hase-yeeshee Xoggaha goob-jooga ah ee Kulamadaas Xildhibanaada is huwani lahaayeen saddexdii habeen uu ina dhaafay, ayaa lagu sheegay in si weyn loogu faaqiday, isla markaana gardaro aan geedno loogu soo gaban ku tilmaameen siffaha qabiileysan ee dacwadda Marin-habowsan uu Faysal Cali Waraabe u bartilmaameedsadday labada Maayir ee Gobollada Gabiley Maxamed Aamin Cumar Cabdi iyo Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin). Waxana xogguhuu intaa ku dareen inaanay labadaa Xildhibaan kusoo bixin Cod la siiyey Faysal Cali Waraabe, balse ay kusoo baxeen Codkii Deegaankooda iyo weliba beeshooda. Sidoo kale, waxa ay hoosta ka xariiqeen Xildhibaanadani inaanu jirin waqti xaadirkan sharci gaar ah oo qabaanaaya xildhibaanadaas. Waxanay sheegeen in Xildhibaanadii ku biiray Xisbiga Kulmiye ee Jamaal Cali Xuseen raacay kana soo baxay Xisbigii New Ucid ay tiradoodi ahayd 35-mudane, hase-ahaatee waxay isku raaceen waxa uu labadaas Maayir u daba socdo keligood Faysal Cali Waraabe, waxanay talaabadiisaas ku tilmaameen inay tahay mid uu Faysal Cali Waraabe Hunguri kaga doonaayo labada Maayir oo keliya, balse aanay jirin dariiq kale oo uu ka damacsan yahay.
Dhinaca kale. Dacwadda ay dhowaan Maxkamadda sare u gudbin doonaan Xildhibaanaddu ayaa la sheegay inaanay gabi-ahaanba aqoonsanayn Xisbigii Ucid oo ay aaminsan yihiin inuu lama dhinac ka koobnaa, waxanay nuxurka dacwadooda ku salleeyeen inuu Xisbigaasi ahaa lama dhinac, maadaama oo u heshiis is bahaysi kusoo baxay, oo weliba Codka Xildhibaanada iyo Xisbigii New Ucid la siinaayey loogu Codeeyey Musharraxnimadii uu Faysal Cali Waraabe Inqilaabay ee aqoonyahan Jamaal cali Xuseen iyo sidoo kale, dhaqaalihii Malaayinka ahaa ee u hurray Jamaal.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada isku xulufada ah ayaa la sheegay inay jawaab deg-deg ah ka suggayaan Musharraxoodii ay sheegeen inuu maalgelin iyo taageeraba u ahaa ee Jamaal Cali Xuseen, waxana la filayaa inuu arrinkaas deg-deg uga soo jawaabo. Iyadoo hadii Jamaal Cali Xuseen ku raaco Mudanayaasha labada qaybood ah, ayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa la soo taagaya mar saddexaad Maxkamada sarre ee Dastuuriga ah, waxana la filayaa inay dacwadani ka duwanaato kuwii hore, maadaama oo dulucda dacwaddani tahay qirasho faysal cali waraabe qirtay inuu bakhtigu xalaal u ahaa oo uu Khiyaameeyey Jamaal cali Xuseen iyo kooxdii la socotay.
↧
Maxkamad ay Jamaal Cali Xuseen iyo Kulmiye dabada ka hagayaan oo lala maaganyahay Faysal Cali Waraabe mar kale
↧