Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Bisha Doorashada madaxweynuhu dhacaysaa ma cada war-keedu

$
0
0

Guurtidu waxay sheegtay doorashada madaxweynahu inay dhacasyso 13 December 2017 lagana soo guurayo 28 April. Waxa la isku ogaa in doorashadu qabsoonto 28 March 2017 dabeed bil ka dib 28 April madaxweynaha cusubi xilka la wareego. Hadaba macnuhu ma waxa weeye doorashadu waxay dhici doontaa 13 Nov dabeed kursigana waxa lala kala wareegi doonaa 13 December. Guurtidu halkaa way ku rafatay oo warkeedu ma cada. Ta golaha wakiilada iyo deegaanada ee ay gaadhsiiyeen bisha afraad 2019 waa arin guurtidu doonayso inay sii fadhido ilaa 2020 oo taasi waxay u taalaa madaxweynaha la doorto ayaa wax ka qaban kara. Guurtidii nabada iyo diinta la yidhi ka shaqeeya waataa wadankii jaha wareerka gelinaysa ee siday u sii fadhiyi lahaayeen uun ka talinaysa. Sharafta ayay iska qaaday guurtidu ee waxay ahayd inay ku raacaan goa’ankii xisbiyada iyo komishanka iyo madaxweynuhu isla qaateen. Xildhibaan Dheeg isagu baroor buu la hor istaagay golihii guurtida isaga oo le waxay ahayd in madaxweynaha mudo intaa ka badan loo kordhiyo. Wasiirka warfaafinta Cadaani waxa laga soo sheegay in uu yidhi guurtina maaha ee waa odayo asaasaqay ee maxay madaxweynaha laba sanadood uugu kordhin waayeen. Cadaani ha loo sheego in risiqa ilaahay bixiyo oo aannu Silaanyo bixinin. Wuxuu ka baqayaa wasiirku in uu baqtiyo hadii madaxweyne kale la doorto.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>