Cabdisalaam Yaasiin
Nin baa muddo badan doonayay in uu magac yeesho, madax noqdo, oo maal yeesho. Muddo markuu damacii dabajoogay da’na uu noqday, ayaa islaantiisi maalin ku tidhi, “Ee waxa ma kuu sheegaa?” “Haddii ay kaa qabsatay in aad madaxnimo iyo maal hesho, asaanad ilaa imika waxba hayn, aan islaan faalis kuu geeyo bal in ay sheegto in wax ku leexsanyihiin.”
“Ee yaahe! Walaahi talo! Marnaba xagaa kama eegin. “ ayuu celiyay odaygi. “Waxan ku idhi, bal soo balami islaantaa aan u tagnee.”
Islaantii faalisada ahayd ayay u tageen madaxdoon iyo islaantiisi. Faalkii ayaa loo rogay. Faalisadi waxay u bushaarayssay in uu madaxweyne noqonayo maalna yeelanayo. Iyaga oo farxsan ayay kuus lacag ah siiyeen oo ka tageen faalisadii.
Madaxdoon faalkii baa u baxay oo madaxweyne ayuu noqoday. Dal iyo duunyoba uu hantiyay; maal iyo magacna uu yeeshay. Da’ iyo taws baas soo gudagashay.
Intii aanu xilka wareejin ayuu u tegay islaantii faalisada ahayd. Wuxu ku yidhi, “Haddii geeriyi ku dayso, gabow baan ku daynayn; waad i aragtaa oo xaggii loo badnaa ayaan u socdaaye, ee ii ducee.”
“Anigu wax baan deberaa, ma duceeyo,” ayay ku tidhi faalisadi, “hadaadse aad duco dooni iyo in denbigaaga la dhaafo.oo dabka Naar ka badbaado, wadaadkii Aw Dilaal ee durbaanka tunta, duubi kuus ah u geeyoo, dalo ii yar baneeyoo, ii ducee ku dheh sheekha!!!”