Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Shidaal La’aan soo foodsaartey Somaliland + Doorkii xukumada Siilanyo oo banaan+Takaasidii oo kordhisay qiimihii+Kaalimihii Shidaalka oo joojiyey iibinta Bedroolka.

$
0
0

Shidaal La’aan soo foodsaartey Somaliland + Doorkii xukumada Siilanyo oo banaan+Takaasidii oo kordhisay qiimihii+Kaalimihii Shidaalka oo joojiyey iibinta Bedroolka.

Hargeisa-(Qaran-news)- Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafey Waxaa magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah Magaalooyinka kale ee Somaliland oo aanu xidhiidh xagga Isgaadhsiinta la sameynay soo foodsaartey shidaal yaraan si weyn loo dareemay siiba Badroolka oo ay aad u iscticmaalan baabuurta yaryar  iyo Takaasidu.

Kaalmaha shidaalka (Gas Station) iibiya ayaa intooda badani joojiyeen iibinta Badroolka markay dareemeen inuu gabaabsi ku dhaw yahay,waxayna lacag qaali ah kaga iibinayaan dadkay yaqaanaan ama macaamiisha u ah oo keliya. Tusaale ahaan kaalimaha shidaalka ee sida qarsoodiga ah u iibinayaa Badroolka ayaa Tobankii Litir ee Bedroolka ah  ku gadaaya $15 ilaa & $19.

Badrool yaraantan soo foodsaartey Caasimada Hargeysa iyo gobolada kale qaarkood ayaaney ka hadal xukumada Siilanyo oo ku mashquulsan xaflado bilaa macne u badan oo ka socda Hoteelada Hargeisa.

Ilaa shalay ayaa dadka Isticmaala   ama noloshoodu ku tiirsan tahay Takaasida yaryar dareemeen  Qiimaha lagu kiraysto Takaasida oo si  tartiib tartiib ah u kordhayaa.

Geesta kale gaadiid badan oo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa Bedrool la’aan awgeed layska dhigay markii loo waayey galaan Bedroola.

Tu kale kaalimaha shidaalka iibiya ayaa si ay macaash badan u helaan joojiyey iibinta shidaalka bedroolka islamarkaana si qarsoodiya uga iibinaya dad gaara iyagoo kaga iinbinaya lacag qaali ah.

Isku soo wada duuboo sababta keentay shidaal yaraanta ayaa loo sibirsaarinayaa xukumada Siilanyo oo aan sameyn kayd shidaal iyo siyaasad shidaal oo lagaga badbaado marka marxaladaha noocan oo kale ahi yimaadaan ama shidaal yarin soo wajahado dalka.

Qarannews

Hargeisa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>