Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28248

War-saxaafadeed ku saabsan Qadiyada Dagaalka Laascaanood oo Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo soo saareen

$
0
0
Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC ayaa goor dhaw soo saaray, warsaxaafadeed ay uga hadlayaan arrimaha dagaalka Laascaanood.
Waxay sheegeen in ay Somaliland, xoog ku heysatay dadka deegaanka muddo 15 sanadod ah.
In ay Somaliland geysatay dilka 200 qof lagu dilay shirqool, mudaharaado salmi ah, in ay xabad u adeegadeen oo ay shacab laysay Somaliland.
Somaliland ayay ku eedeeyeen in ay xasuuq ka geysteen Laascaanood iyo deegaanada agagarkeeda ah, kaas oo ay u geysteen dadka deegaanka.
Somaliland, ayay sheegeen in ay burburisay adeegyadii asaasiga ahaa ee dagaalka ka caaganaa gaar ahaana Korontada, Biyaha, Goobaha Waxbarashada, Goobaha Caafimaadka, Machadyadii Diinta iyo goobaha Cibaadada.
In ay qasab tahay in ciidamada Somaliland ka baxaan gobalka SSC si dadka barakacay ugu soo noqdaan guryahooda oo nabad ah,
In dadkii xasuuqa geystay la la xisaabtamo lana maxkamadeeyo.
In wada hadal labada dhinac ah uu dhici karro, marka ay ciidamada Somaliland ka baxaan dhulka SSC, oo ay ku laabtaan xaduudahooda OOG, ka horna aysan habayaraatee wada hadal lagaleynin Somaliland.
May be an image of 12 people

Viewing all articles
Browse latest Browse all 28248

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>