Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28224

Wasiir hore oo ka hadlay sida loo quudhsado Madaxda Somalia!

$
0
0
Wasiirkii hore ee Dibedda Somalia, Axmed Ciise Cawed: “Markii aan ahaa Danjiraha Soomaalida ee Mareykan, ayuu mar noo yimi Raysal Wasaare Kheyre, 2017kii – waxa aan ballan uga raadiyey si uu ula kulmo Haweeneyda haysatay IMF, xilligaa Christine Lagarde iyo madaxda World Bank-ga maadaama oo aan dayn cafin ku howlanayn, nasiib-darro waxa ay noo soo direen ku-xigeennadooda, mar kale waxa aan dalab ka raadsanay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha-dibedda Mareykanka iyana waa naga cudurdaarteen oo Raysal wasaareheena ma arkin madax.
Muddo ka dib ayaan imi Jabbuuti aniga oo wasiirka Arrimaha-dibedda ah, waxa aan Garoonka kula kulmay haweynaydii diideysey la kulanka Raysal wasaareheen [Christine] oo sugaysa Agaasimaha Xidhiidh caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha-dibedda Jabbuuti oo ka soo daahay xataa wasiir ku-xigeen uma imaan….. Madaxda Soomaalidu lama kulanto madax dhiggeeda waana la quudhsadaa.”
May be an image of 3 people

Viewing all articles
Browse latest Browse all 28224

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>