Laba hadal oo ka soo yeedhay Maxamoud Xaashi ayaa madaxtooyada cadha geliyey oo ay ka gami’ waayeen maalmahan. Mid waxa uu ahaa markuu yidhi Silaanyo iyo Xassan Shiekh baa heshiiska saldhiga wada saxeexay. Hadalka kalena wuxuu ahaa markuu yidhi Somaliland dagaalka Yemen way ku jirtaa oo waa dad suni ah oo xuutiyiinta ayaynnu la dagaala maynaa. Labada arin ee uu kashifay ayaa Amina Weris iyo Bashe Morgan ku qaniineen oo ay leeyiin ogaan buu waxan u samaynayaa. Sidaa darteed baa loogu bedelay in Cali Mareexaan ka qeyb noqdo safarkii madaxweyne ku xigeenku hogaaminayay ee Dubai loogu baxay. Maxamoud Xaashi markuu ka soo laabtay safarkii u danbeeyey ee uu Dubai iyo Saudiga ku tegay wuxuu Hargiesa ku soo galay dhuumasho isaga oo iska qarinayay in saxaafadu wax ka weydiisu sirta uu fashilyey ee uu yidhi Silaanyo iyo Xassan shiekh baa Saldhiga wada saxeexay. ilaa iminkana warbaahinta wuu iska ilaaliyaa inay wax sua’ala weydiiyaan. Markuu Madaarka Hargiesa ka soo degay deg-deg buu uugu baxsaday Berbera, halkaa oo niman deegaanka laga soo doortay iyo odayaal kula shiray uuna sheegay in damac kaga jiro in uu iibsado xisbiga UCID. Isku soo xoori Maxamoud Xaashi oo marka horeba ay Amina Weris ula booca uugu tukubaysay oo marar hore la iksu maan dhaafay lacago uu lunsaday markuu wasiirka duulista ahaa ayaa iminkana seera-heedii sirata ahaa galay oo lagama yaabo in ay qaniin yadaa ka sii deyso ilaa inta ay dibada dhegeyso. Waxa isaguna qowlalada ka xunbaynaya oo muduci ku ah wasiirka, Baashe Morgan oo sodohdii dhegteeda heysta. Madaxtooyadu si fiican bay indhaha uugu heysaa bararafta maxamoud xaashi oo waqtigi ku soo gaabtay oo dey dayanaya xisbi uu qoorta iskaga maro. Allahyow yaa ku yidhaa dantaa luud cidi ku dooran maysee.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com