Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28250

Koonfur Afrika oo Baadi-goobaysa Budhcad Baabuurta Gubaysa

$
0
0

Koonfur Afrika oo Baadi-goobaysa Budhcad Baabuurta Gubaysa

Captown(Qaran)-Dawladda Koonfur Afrika ayaa ciidamadeeda geystay afar gobol oo kamid ah dalkaas,kadib markii 21 gaadhi oo badeecado kala duwan siday lagu gubay waddooyin ku yaalla dalkaasi.

K in la gubo gaadiidkan tirada badan,iyada oo wasiirka Amniga dalka Koonfur Afrika Beki Cele oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in laga yaabo in dhacdadani tahay mid lagu burburinaayo dhaqaalaha dalkaasi,mana sheegin cidda ka dambaysa weeraradan.

Ciidamada Booliska ayaa ku raad jooga 12 qof oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyaan weeraradan lagu gubay gaadiidkan 21-ka gaadhi gaadhaaya,isaga oo intaas ku daray in aan gubitaanka gaadiidkan lala xidhiidhin Karin rabshadihii dhacay bishii July ee sannadkii 2021,rabshadahaas oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof,halka ganacsi badana khasaare kasoo gaadhey.

Ciidamada Militariga Koonfur Afrika ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee dalkaasi,iyaga oo sidoo kalena baadhitaanno ka wada goobaha lagu tuhusan yahay in ay ku dhuumanayaan dadkii falalkan gawaadhida lagu gubay ka dambeeyey.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28250

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>