Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Coldoona waa la xidhayaa , faysalna khaatumo ayuu heshiis la gelayaa ! YAAB .

$
0
0

Coldoona waa la xidhayaa , faysalna khaatumo ayuu heshiis la gelayaa  !  YAAB .

talo-xumo ,maamul xumo,aan kasoo rayn lahayn,maxaa ka dambayn ?

Taariikhdu waa tuse ,casharro ayaa laga bartaa,caqliga iyo aqoonta waxaa lagu kala gartaa saxa iyo khaladka iyo maxsuulka soo baxaya 4-4=0, 4+4=8.

odaygii siyaad barre xilliyadii dambe xisaabta ayaa ka khaldantay wuxuu iska fogeeyey intii aqoonta iyo xikmadda lahayd,wax kastana waxay u shaqeeyeen maqluub(upside-down),dabadeed Nigeria ayuu dadka shaxaadi jiray rag soo maray ayaa sheegay.

Coldoon maxaa lagu xidhay? maxkamadda maxaa loo geyn waayey haddii dembi lagu hayo,olole ayaad soo gashay af maaha,kuwii jabuti iyo itoobiya kasoo ololeeyey ama dawladihii xamar wax kasoo dhisay ee kasoo noqday muxuu kaga duwan yahay? hawl samafal buu waday xilligan xun maxaa dammiinka loogu diiday? waa la fahmayaa,waana laga xisaabtami.

faysal cali waraabe ayaa wax laga weydiiyey coldoon wuxuu yidhi:waan dili lahaa,farmaajo ayuu u ololeeyey”faysal isma dhegaysto waa ninkii ololahaa ugu badan ka galay in xasan sheekh la rido ee habeen iyo malin qaylinayey ,YAAB.

waxaase kasii yaab badan faysal oo la hayo faylashiisa iyo heshiisyadiisa oo kii Jamaal ugu dambeeyo in maanta la dhaho khaatumo lasoo heshii ,taasi macquul maaha,heshiis haddii la rabo Ragga la aamini karo ayaa loo diri lahaa,waa xisaab khaldan,Xaabsade oo ah nin reer keligii-maadhle ayaa hore u dareemay xisaabahaa khaldan,habeen ayuu  guureeyey,ummadda caddaalad baa deeqda iyo ixtiraam iyo maamul fiican oo loo soo hiloobo,haddiise qayladu isu baxdo gudo iyo debed meel walbana laga daawanayo,waxaa imanaysa in wax aan la jeclayn.

caqligu waa inuu shaqeeyo,xisaabtan baa jiri doona if iyo aakhiroba,qolyaha dhegaha furaystay ee moodaya inay sidaa kusii wadayaan weligood waa inay taariikhda dib u fiiriyaan,ummadda indhaha iyo dheguhuba waa shaqaynayaan.waxaan xusuustay qolyaha wadani oo Nairobi tegay oo dhahay caawimo ayaan soo bislaynay,waxaa hadlay nin xukuumadda ka mida oo yidhi “waanu xidhaynaa haday yimaadaan qolyaha wax ku yaboohay”  soomaalidaa tidhaahda:illeyn af aanad lahayn lama qabto”waxtar mise wax yeelo,waxaan maqlayey SDF ayaa la xidhay,waa farsamada xumada maamul ee jirta iyo ereyada iska dhehda ah ee aan laga fiirsnayn,waxayna timaadaa marka qof walba loo dhiibo masuuliyad aanu ehel u ahayn.

Allaah raxmadiisa haynoo shubo xaqana ha inna tuso,inta lunsan haso hadeeyo.

Aadan Nokia

adam noor

shalqane@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles