Suldaanka Beesha Habar Cafaan,Mr. Dhawal iyo kan Beesha Maxamed Case Mr Ibraahin Jaaamac Samatar Haku qabsadaan shirkooda Jaraa’id meel ka baxsan Borama.
Borama waa Caasimada Dadka Reer Awdal -nooca
ay doonaan ha ahaadaane,abiilka ay doonaan haka soo jeedaane.Ha ahaadaan Samaalroon ama Somalida kaleba.Waxay caasimad u tahay dadka oo dhan – mana gaydo inay hooy u noqoto rag Suldaamo sheegta oo cumaamad yar oo cas degta ku sita oo Tvyada soo hor taagan maalinksta.Ma gaydo inay noqoto meel laga bixiyo sawir beeleed fool xumo xambaarsan.Hadaba hadii ay labadan Oday shaqo ka dhihteen dhaqanka yaabakale ee Tvyada lala soo hor fadhiyo amaanta Siiraanyo ha sameeyaan laba arimood:
1)Inay tagaan meelalaha saldhiga u ah dadka ay sheegaan inay Suldaamo u yihiin.
2)Ha ku hadlaan magaca cida ay sheegtaan inay Suldaamo u yihiin.Iyo waliba inay ka fogaadaan magaca beenta ah ee ay imiga sheegtaan ee ah;Oday dhaqaameedka Galbeedka Somaliland. Waay?Gobolada Galbeedka waxaa degan dad badan oo aanay Suldaamo u ahayn,kuwaasi oo magacooda ay labadan Oday uGu hadlaan si qaldan
Labadan Oday ayaa Tvyada soo hor fadhiista iyaga sida Title ka duwan kan ay sheegtaan inay yihiin.Had iyo goor waxay soo qaataan”Oday dhaqameelka Gobolada Galbeedka Somaliland”. Waxaanay dhexfahiistaan Huteel ku yaala Borama oo quxur badan.Marka ay dhamaystaan shaqadii ay u socdeen ee ay nolol maalmeedkooda soo horfadhiisiga Tvyada ayay dib u qaataan magacoodii ay siteen ee ahaa “Sulkaanka Beesha Habar Cafaan iyo Suldaanka Beesha Maxamed Case.Hadaba waxaa ku haboon labadan oday inay ku joogaan magaca ay wataan oo ay ku shaqaysaann ama ay ku xaragoodaan -maaha inay isku raraan magaca Gobolda galbeedka oo ay u adeegsadaan hungurigooda iyo waxa ay maalintaa cunayaan.10 sano ayay maraysaa inta ay labadan Oday laga xishoonayo ee runta loo sheegi laa’ya’ay.
Hadii ay labadan Oday joojin waayaan qaabkan aan Xaduudka lahayn – talaabo ayaa laga qaadi doona.Borama waxay noqon doontaa meel ka madax banana Oday Tvii soo hortaagan maainkasta oo xishoodkii ka dhamaaday.
Axmed Aadan Xuseen
Luton.Uk
geeddiqsi@hotmail.com