Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28232

Waa caynkee xaalada deegaankii uu dhwaan dagaalku ku dhex maray ciidanka qaranka iyo Jabhada Gacanlibaax?

$
0
0

Deegaanadii ay ku dagaalameen dhawaan ciidamadda qaranka Somaliland iyo jabhada buurta Gacanlibaax ayaa degagan oo la soo sheegayaa in ay noloshu caadigeedii ku soo laabatay gaar ahaan deegaanka Dirinmira.

Waxa ay wararku sheegayaan in ciidamadii dawlada iyo kuwii xoojinta ahaa ee laga keenay bariga Somaliland ee joogay Dirinmira ay halkaasi isaga baxeen oo ay degeen goob halkaasi ka fog oo la yidhaado Biyo Fadhiisinka taasi sii abuurtay jawi degan oo hakisay colaado is ku dhac ah oo dhex mara labada ciidan inkasta oo ciidamadii RRU-ay ku suganyihiin deegaanka Go’da

Dhanka kalena waxa jira waan waan ay wadaan ganacsato iyo qaybo kale oo ka mid ah bulshadu oo ay la leeyihiin xukuumadda taasi oo ay doonayaan in arimaha is afgarad lagu dhameeyo.

Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin xaga xukuumadda oo ku saabsan colaada halkaasi ka taagan iyo qaabkii loo xalin lahaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28232

Latest Images

Trending Articles