Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Heshiiska wadada Berbera Corridor waxa uu ka mid ahaa heshiiskii DPWorld- lala galay Maxaa Hadana soo celiyay ee heshiiska saldhiga loogu soo daray?

$
0
0

Heshiiskii DPWorld iyo Somaliland waxa kow ka ahaa  wadada BERBERA CORRIDOR

 

 

Dubai,(Qaran-news)-Waxa soo baxaaya is khilaafka ay xukumadda Somaliland la gashay shalay dawlada Imaaraadka sida ay baahiyeen waftigii xukumadda Somaliland ka socday ee ku sugan dalka Imaaraadka, iyo heshiiskii ay hore ula gashay Somaliland shirkada la wareegtay maamulka iyo gacan ku haynta dekada Berbera ee DPWorld.

Is khilaafka iyo muranka xoogani waxa uu ka dhashay markii heshiiskii DPWorld ee ay xukumaddu la gashay uu u dhignaa isla heshiiskani ay Somaliland shalay la gashay wasaarada gashaandhiga ee dalka Imaraadka Carabta, labada heshiis ee kii shalay iyo kii DPWorld waxa ay yihiin kuwo isku qodobo ah, tusaale ahaan labada heshiis waxa ay soconayaan 3o sano, waxa ay labaduba dhisayaan jidka isku idha Berbera iyo Wajaale oo dhan 241 kms, waxna ay iskaga mid yihiin oo kale caawimada Somaliland la siinaayo sida caafimaadka,waxbarashada u fudayynta shaqaalaha Somaliland ee u shaqo atagaaya dalka Imaaraadka, isku soo wada duuboo labada heshiis waxa ay ku kala duwanaayeen in magaalada Berbera lagu soo kordhin doono madaar cusub.

Heshiiskii shalay ee wasarada gashaandhiga Imaaraadka iyo Somaliland gaadheen waxa kow ka ah  wadada BERBERA CORRIDOR

 

Waxa ay dad badani is waydiinayaan waa maxay sababta hal mashruuc oo isku mid ah loolala galaayo shirkada DPWorld oo ah shirkad madax banaan iyo wasaarada gashaandhiga ee dalka Imaaraadka, se maxay xukumadda sii dhacaysa ee ku meel gaadhka ahi ay dadka Somaliland hadba mashruuc indho sarcaad ah oo dalkooda lagula wareegaayo ugu kala sarifaysaa, waxna laga sugayaa xukumadda Siilaanyo in ay sharaxdo xaga ay ku danbysay wadadii ay dhisaysay shirkada DPWorld, hadii ay wadadaasi BERBERA CORRIDOR- ay fulin wayday shirkada DPWorld ma la odhan karaa waxa gabi ahaanba buray heshiiskii DPWorld iyo Somaliland, mise shirkada DPWorld waxa ay ahayd shirkad hoos cararysay ciidamada saldhiga laga siinaayo magaalada Berbera oo ay isku dal ka soo wada jeedaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>