Gudoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo shaaciyey in heshiiska xukumada Siilanyo la gashay Ururkiisa weli qabyo yahay.
Hargeisa-(Qaran-news)- Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkii Xaq-soor ee heshiiska la galay Xukumada Siilanyo ayaa soo saaray war-saxaafadeed tilmaamaya in heshiiska ay xukumada Siilanyo la galeen uu weli qabyo yahay,wax lagu heshiiyey oo uu taageerayaasha xaqsoor u soo bandhigaana weli muuqan oo heshiisku hordhaca yahay balse uu faahfaahin bixin doono markuu galo marxaladaha danbe .
War saxafadeedkii uu soo saarey Xasan Ciise wuxuu u dhignaa sidatan:-
Ururka xaqsoor
warsaxaafadeed
Wadahadaladii ka dhaxeeyay ururka xaqsoor iyo xukuumada Somaliland qaybtiisii hore waxay ku dhamaatay afar qodob oo guud ooy isku raaceen gudigii laba geesoodka ahaa. Gudigaasi mudo sadex bilood ah ayuu muujiyey dadaal badan waanay ku mahadsan yihiin.
Waxa markaas hadhsan in qaybta labaad ee wadahadalada loogu talo galo in tafaasiishii loo galo. Marka marxaladaas labaad la gabagabeeyo ayaa dadka loo sheegi karaa tafaasiisha qodobada lagu heshiiyo. Imika waa la heshiiyeyna waa la yidhi dadkiina looma sheegin waxa lagu heshiiyey waxa uu yahay. Sababta oo ah waxa aan la gaadhin oon imika la hayn tafaasiishii qodobada ay tahay in lagu heshiiyey. Arintani waxay dhalisay su’aalo ka badan inta ay ka jawaabtay. Waxa aan xasuusinayaa taageerayaasha xaqsoor iyo shicibka Somaliland in Xaqsoor aan cidina uga lexojeclo badnayn wanaaga dalka Somaliland iyo midnimada dadweynaha reer Somaliland. Xaqsoor si daacad ah ayuu u galay wadahaladan,waxaanu diyaar u yahay inuu ku dhamaystiro si cadaalad ah oo xaqsooraysan ooy ku jirto danta iyo wanaaga wadankeenan qaaliga ah ee Somaliland. Waa hadii laga helo dhinaca kale ee xukuumada maanta xilka iyo amaanadu saaran tahay.
Wabilaahi Tawfiiq
Gudoomiyaha xaqsoor
Xasan Ciise Jaamac