Ciidamada Booliska ayaa rasaas xoogan ku furay dhalinyaro dhagax tuuris ku samaysay ciidanka booliska oo ku sugnaa bariga Hargeysa caawa fiidkii.
Goobtaasi oo ku taala ag agaarka isgoyska Warancadde oo ay joogeen ciidan aan hore u joogi jirin ayaa ciyaalaka xaafadu shiideen kadibna ciidamadaasi rasaas kaga jawaabeen, rasaasta ay ciidanku ridayeen ayaa xaafada badideeda laga maqlaayay
Ilaa hada inta la ogyahay ma jiraan cid ku dhaawacantay ama wax noqotay rasaastaasi ay ciidanku ridayeen. Waxana ay ciidanku ku guulaysteen in ay ciyaalkaasi kala kaxeeyaan












