Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28181
โ†ง

๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐˜‚๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—น

$
0
0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in isbahaysi argagixiso ah, maleeshiyaad, iyo ciidamada Puntland ay soo weerareen ciidamada Qaranka ee ku sugan gobolka Sool.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Sool.

โ€œWasaarada Gaashaandhiga JSL, waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ahโ€Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh iskaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi.

โ†ง

Viewing all articles
Browse latest Browse all 28181

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>