Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Dayaa Siilaanyo-na Deegaameynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.
Qormadii 13 aad:
Xafiiska madaxweyne siilaanyo waxaa laga soo saaray digreeto u gaar ah dhulka danta guud ee berbera oo kaliya,17/6/2013-ka qaabka ay digreetadani u qornayd waxay ahayd in maamulkii iyo bixintii dhulka danta guud laga xanibay maamulka degmada iyo kan gobolka ee saaxil ,taasi oo uu macnaheedu yahay in awoodii dhul bixinta danta guud ee berbera laga maamuli doono madaxtooyada,hadaba qodob ka mid ahaa qodobadii lagu xusay digreetadaasi oo ahaa nin uu madaxweyne siilaanyo digreetadan soo saaray markii uu arkay waraaq uu u soo qoray maareeyaha dekeda berbera Eng:Cali Cumar Xoor Xoor.
hadaba waxaa hubaal ah hadii nidaamka dawladnimo uu dhamaystiran yahay in aan digreetadan qaabkii lagu qoray aan loo soo qoreyn ,waayo dhulka danta guud iyo maareeyaha dekeda berbera meel ay iskaga xidhmaanba ma jirto ,waxayna ahayd hadii cali xoor xoor uu warqad u soo qoray madaxweyne siilaanyo in aan lagu cadeynin qoraalkan digreetada ah oo ay ahaato sir iyaga u dhaxaysa.
hadaba saaxiibayaal marka hore qoraalkani wuxuu inoo cadayanaya in isku dhex daadashada xukuumada siilaanyo aysan ahayn mid isaga u gaar ah balse ay la wadaagaan inta ku xeerarina waxana taasi u daliil ah qoraalkan aynu ka hadlayno su’aasha labaad ee qoraalkan ku saabsanina waxay tahay maxaa sababay in maareeyaha dekeda berbera Eng:Cali Xoor Xoor madaxweyne siilaanyo u soo gudbiyo qoraal ku saabsan dhulka danta guud ee berbera ,muxuu se ahaa nuxurka uu xanbaarsanaa qoraalkaasi.
akhrsitow hadii aan ku horeeyo sababta uu maareeyaha dekeda berbera uu u dhex galay maamulka dhulka danta guud ee berbera waxay tahay ,markii maamulka degmada berbera iyo kan gobolka saaxil oo dhinac ka soo wada jeeda iyo maareeyaha dekeda berbera Eng:cali xoor xoor oo isaguna dhinaca kale ah ,isuna arkaaya in uu yahay masuulka kaliya ee ugu muhiimsan ee ka soo jeeda beesha Saaxil ,ee uu siilaanyo kalsoonida ugu badan ku qabo ,isaguna uu taa bedelkeeda ugu abaal gudo socodsiinta iyo hir-gelinta uu madaxweyne siilaanyo beeshiisa uga wada berbera,qodobka kale ee ay dadka arimahan u dhuun daloolaa sheegayaan waxaa ka mid ah inay warqada cali xoor xoor u soo qoray siilaanyo qayb ka mid ahi ay ahayd dacwad ama ashkato uu ka soo gudbiyay maamulka maayarka degmada berbera,.
hadaba wuxuu cali xoor xoor qoraalkiisa ku sheegay sida ay dadka oxg ogaalka ahi sheegayaan in maayarka degamda berbera xilka laga qaado ,ka dib markii loo arkay in uu ka hor yimid mashruucii deegaamaynta.
Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:
Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.
DAB DHAXMOODAY!!!
Doc kastoo la eego
Nolosha dunidu waa dabkee
Haddu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg kuma haboonee!
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeedada ideeqsii.
Ruux haddii la doortoo
Darajada la saariyo
Xilkii daryeeli waayo
Dab dhaxmooday weeyee
Waa su aal da weynoo
Madaxa daalinaysee!
Wixii lagu diirinaayo
Dad weynahaa la weydiin
DUR DUR OOMAY !!!
Durdurkaa laga cabbaa
Biyihiis lagu dabaashaa
Hadduu harraad dareem
Darkee laga waraabshaa?
Waa tilmaan la daahoo
Deg deg kuma haboonee
Adoo degan ufiirsoo
Ujeedada ideeqsii!
Ruuxa duunyo haystee
Dahabkana barkanayee
Wixiisii deeqi waayaa
Durdur oomay weeyee
Waa su aal da weynoo
Madaxa daalinaysee!
Darkii laga waraabin
Dadweynahaa la weydiin.
DAWO BUKOOTAY !!!
Qofkii cudur dilaayo
Dawadaa bogsiisee
Haday dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg kuma haboonee
Adoo degan ufiirsoo
Ujeedada ideeqsii.
Dalaalimada diintiyo
Distoorka iyo xeerka
Haddii dabool lasaaro
Dawo bukootay weeyee
Waa su aal da weynoo
Madaxa daalinaysee
Wixii lagu dabiibi
Dadweynahaa la weydiin
DUFAN BASAASAY !!!
Subaga dufankiisa
Dadku ku dhaashadaane
Hadduu dufan basaaso
Maxaa duxdii ka qaaday
Waa tilmaan la daahoo
Deg deg kuma haboonee
Adoo deggan ufiirsoo
ujeeddada i deeqsi
Isku soo wada duuboo
La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.
Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur
tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland