Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28240

Shacabka degmada Laaso-dacawo oo 246 Neef oo Adhi ah ugu Deeqay Ciidamada Qaranka

$
0
0

Berbera(Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), ayaa dadweynaha degmada Laaso-dacawo kala wareegay 246 neef oo adhi ah oo ay ugu deeqeen ciidamada Qaranka.

Badhasaabka Saaxil wuxuu cuqaasha iyo guddoomiyaha degmada Laaso-dacawo, ku ammaanay dedaalka iyo taageerada wax ku oolka ah ee ay u fidiyeen ciidanka qaranka oo ay ku tilmaameenta halbowlaha koowaad ee qaranka.

Badhasaab Cali Case wuxuu sheegay inuu gaadhsiin doono ciidamada deeqdaas xoolaha ah ee uga timud dadweynaha reer Laaso-dacawo.

Madaxda degmada Laaso-dacawo ayaa ciidanka qaranka ku bogaadiyay dedaalka ay naftooda ugu hurayaan ilaalinta xudduudaha Somaliland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28240

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>