Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28249

Ganacsatada dalka oo lagu booriyay in ay ka qayb qaataan wax soo saarka beeraha

$
0
0

Arabsiyo,(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ganacsatada dalka, si uu ugu dhiirigeliyo inay ka qayb-qaataan wax soo-saarka dalka.

Kulankan oo sidoo kale ujeeddadiisu ahayd sidii Ganacsatadu wada-shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa ka qabsoomay Beerta uu Magaalada Arabsiyo ku leeyahay Maxamed Xasan Carwo.

Sidoo kale, kulankaasi ayaa lagaga wada-hadlay hirgelinta Daladda Ganacsato Beeralayda dalka iyo sidii sharcigeeda loo hirgelin lahaa, isagoo Wasiirka Beeruhu u soo bandhigay Ganacsatada dalka sida ay uga qayb-qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka dalkooda.

Ugu dambayn, kulankaasi ayaa soo ku soo dhamaaday isfaham iyo Jewi wanaagsan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28249

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>