- Khudbadii shalay Madaxweyne Silaanyo Burco ka akhriyey waxa ku jirtay war aan hore loo maqal oo qofkii caqli lihi garan karo in ay tahay khiyaamo soo korodhay oo distoorka Somaliland ka baxsan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu wiigan samayanayo musdambeed la shaqeeya komishanka doorashooyinka oo ka kooban sadexda xisbi iyo beesha caalamka. Komishanka doorashooyinku wuu madax banaanyay cid kale oo shaqada ku fara gelisana looma baahna ee muxuu Silaanyo uuga dan leeyey in uu isaga laftiisu durba hawlihii komishanka uu fara gelin ku sameeyo. Arin kaasi maaha mid madaxtooyadu daacad ka tahay sabab tuma waxa weeye xisbiyada qaranka iyo Beesha caalamka iyo Komishanka jeeb la isuguma geyn karo mana wada shaqayn karaan shuqulna iskuma laha. Waxay u eegtay in Silaanyo khiyaamo ka wato oo doonayo in uu mar kale mudada loo kordhiyo. Uuma eega in Silaanyo sagan la’an kursiga kaga degayo. Adiguba caqlaad leedahay ee muxuu madaxweynuhu ku keenay arinka musdabeedka sow maaha wuxuu isku cayn iyo bayd goynayaa doorashu si aanay u qabsoonteen. Saldhiga, Dekeda, sahaminta patroolka iyo musdambeedku waa hawlo wada socda oo aan weli sal kooda la gaadhin. Somaliland ha ka dig too-naato in la sameeyo musdambeed hawsha komishanka faraha la gala. Madaxtooyadii waqtigii baa ku soo koobmay oo xataa iyagii baa isku jiqa … Shirkaa Burcao ka dhacay wasiirka madaxtooyada waxa u diiday in uu ka khud-badeeyo agaasimaha guud ee biyaha waa ninkii wasiirada badan loo eryey isagaana protocolka hayay. Odayaal 25 ah oo doonayay inay odeyga ku arkaan tuulada ina Dhakool iyagana waa laga ilaaliyey hase yeeshee fariintii ay wadeen Burcoa ayay ku soo gaadh siiyiin madaxweynaha oo ahayad in shirkada shiinaha ay 24 saacadood kaga baxdo deegaan kooda. Wararku intaa wey ka fara badanyiin ee yaa ila badhi taara. isku soo xoori oo ASQO ayay Somaliland gashay.
Abdi Mustafe