Madaxweyne Siilanyo oo Weedho dhiifoon iyo Hadalo cadho weyni ka muuqato ku hurgufay Haldoorka iyo Siyaaiyiintii rukumada u taagtey “ Golaha Wadatashiga iyo Toosinta qaranka”
Hargeisa-(Qaran-news)-Madaxweyne Siilanyo oo maanta ka qeyb galay xaflad loogu fooladeynaayey Idaacad la sheegay inay baahin doono “ Quraan” balse aan la xusin cida leh iyo cida maalgelisay midkoodna Hase yeeshee xadhiga uun laga jaray ayaa weedho dhiifoon iyo hanjabaad ku hurgufay qaar ka mida siyaasiyiinta ugu miisanka culus mucaaridka Somaliland oo shalay magaalada Hargeysa kaga dhawaaqey Gole siyaasadeed loogu wanqalay “Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka”.
Siyaasiyiinta golahan asaasey ayaa waxaa ugu tun waaweyn Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe,Gudoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac,Ibraahin Dhegaweyne,Eng.Maxamed Xaashi,Cabdiraxmaan Tolwaa iyo hal door kale.
Madaxweyne Siilanyo oo ka falcelinaayey war saxaafadeed uu shalay madashii wanqasha Golahaas ka akhriyey Ibraahin Dhegaweyne ayaa yidhi “Suurtogal maaha in dadka qaarkood ay caadaystaan inay maalin walba la taagnaadaan cay, aflagaado, been abuur sharci-daro ah, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta”
Madaxweyne Siilanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “ Maalmahanba waxaynu saxaafadda kala soconay hadalo naxli xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxaayey, hadaladaasi waxay isugu jireen kuwo loogu talo galay in toos loogu dhaawaco deganaanshaha iyo xasiloonida dalka iyo kuwo shaqsi cay iyo xiqdi ah oo loo badheedhay.”
Geesta kale wuxuu madaxweyne siilanyo isagoo shacbka la hadlaaya una goodinaya siyaasiyiintaa Asaastay Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka yidhi “Annagu masuuliyad culus baanu haynaa,waxaanan shacbiga u sheegayaa in aanan cidna ka aqbalayn in sharciga dalka lagu tunto,”.
Isku soo wada duuboo wuxuu madaxweyne Siilanyo ku goodiyey inaanu aqbali doonin, qayru distoorina yahay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ee Siyaasiyiinta aan kor ku soo sheegnay shalay kaga dhawaaqeen Caasimada Somaliland Hargeisa. Ku darsoo wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa isna ku tilmaamay golahaasi inaanu sharciga iyo qaanuunka dalka waafaqsayn taas dartedna aaney ogolaan doonin.
Qarannews
Hargeisa