Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28252

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Hadashay Dagaal ka dhacay Deegaanno kala duwan

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Hadashay Dagaal ka dhacay Deegaanno kala duwan

Hargeysa(Qaran news)- Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.

Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karaamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.”


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28252

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>