Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Agaasimaha Maalgashiga oo la Kulmay Weftiga ka socday Gambia

$
0
0

Agaasimaha Maalgashiga oo la Kulmay Weftiga ka socday Gambia

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Cabdikarim Adan Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socdey shirkada GASH GROUP ee fadhigeedu yahay wadanka Gambia oo uu hogaaminayey gudoomiyaha guud ee shirkada Mudane DrAbubakary Jawara.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii ay xog dheeraada uga heli lahayeen ilaha maalgashiga iyo fursadaha lagu maalgashan karo Macdanta noocyadeeda kala duwan. Ugu dambayntii weftigu waxay uga mahadceliyeen masuuliyiinta Wasaaradda sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen wadanka iyo fududaynta shaqooyinka muhiimka ah ee ay u socdeen.

Waxaana Xusid Mudaneyd In Agaasimaha Guud Ee Wasaarada H.Maalgashiga Iyo Warshadaha U Ku Wehelinayey Shirkan Agaasimihii Hore Wasarada Imikan Ah Agaasimaha Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28241

Latest Images

Trending Articles

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>