Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28265

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka oo la kulmay Dhakhaatiir Jarmal ah

$
0
0


Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay (Hummer Forum) oo ah Dhakhaatiir Germany ah oo tobankii cisho ee u Danbayeey Qaliino Ka Fulinayay Cusbitaalka Caruurta ee MAS, Kulankan ayaa waxaa Agaasimaha guud ku Wehelinayay Agaasimaha Cusbitaalka Caruurta ee MAS Dr-Axmed Maxamed Jiciir.

Dhakhaatiirtani waxay Sannad kasta 4 Jeer yimaadan wadanka si ay Qaliino kala Duwan U Sameeyan oo ka kooban Qurxinta faruuryaha, Gubashada, Lafaha iyo Dhamaan Qaliinada Guud Ee caruurta.

Agaasimaha Guud ayaa uga Mahadceliyay ururka (Hummer Forum) dedaalada Caafimaad ee ay ka Wadaan Wadanka gaar ahaan Carruurta, sidoo Iyaguna waxay Agaasimaha uga mahadnaqeen sida Wanaagsan ee ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku usoo Dhawaysay


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28265

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>