Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28261

Dawlada UK- oo muwadiniinteeda uga digtay inay ku biiraan colaadda ka taagan Somaliland

$
0
0

Dawlada UK- oo muwadiniinteeda uga digtay inay ku biiraan colaadda ka taagan Somaliland

Dawladda Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ku biiraan colaadda ka taagan Somaliland, maadaama ay taasi noqon karto dembiyo sida uu dhigayo sharciga Ingiriiska, isla markaana la maxkamadeynayo marka ay ku soo laabtaan UK.

Su’aal Tim Loughton, oo ah xildhibaanka xisbiga Conservative-ka golaha baarlamaanka ku weydiiyey wasiiru-dawlaha, arrimaha dibadda, barwaaqo sooranka iyo horumarinta tallaabooyinka uu qaadayo si uu ula socdo tirada muwaadiniinta UK ee u socdaalaya dagaalka Somaliland.

Andrew Mitchell Wasiiru-dawlaha (Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta) ayaa sheegay in muwaadin kasta oo British ah oo u socdaala Somaliland si uu u dagaalamo, ama uu taageero dadka kale ee ku lugta leh iskahorimaadka, waxaa lagu dacweyn karaa marka ay ku noqdaan UK.
Wasiir Mitchel waxa uu ku daray jawaabtiisa, “Haddii muwaadin Ingiriis ah uu u safro Somaliland si uu u dagaalamo, ama u caawiyo dadka kale ee isku dhaca ku jira, hawlahoodu waxa ay noqon karaan dembi sida uu dhigayo sharciga UK, waxaana lagu dacwayn karaa marka ay ku laabtaan UK.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28261

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>