Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 28268

Wasiir kuxigeenka Waxbarashada oo Tababar u soo Xidhay Hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradooda

$
0
0

Wasiir kuxigeenka Waxbarashada oo Tababar u soo Xidhay Hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradooda

Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska ayaa tababar socday muddo 3 cisho ah u soo xidhay hawl wadeenada xafiisyada wasaaradda waxbarashada gaar ahaana xoghaymaha, tababarkan ayaa ku saabsanaa habka qoraalka tolmoon iyo maamulista shaqooyinka xafiisyada.

Ugu horayn Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Agaasimaha waaxda Waxbarashada Hablaha oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada tababarkan waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonan tababarada noocana.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada oo soo xidhay tababarka ayaa sheegay in loo baahanyahay tababarada noocana islamarkaana ay muhiim tahay in shaqaalaha xafiisyada lagu tababaro shaqooyinka ay hayaan si bulshada loo adeegayaa ay u helaan adeeg hufan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 28268

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>