
Petrosoma Limited, oo ah shirkad baadha saliida oo haysata rukhsadda Blooga
Oodweyne, ee uu maamulo muwaadinka Somaliland ee Mohammed Yusef Ali,
waxay maanta ku dhawaaqday in ay ka iibsatay saami dhan 6% rukhsadda
baadhitaanka ee Blooga Oodwayne Shirkada Sterling Energy Plc.
Saamiga ah 6% ee ay iibsatay Petrosoma, ayaa kor u qaaday saamigeedii ay ku
lahayd Blooga oo ka dhigaya 16%.
Markii la waydiiyay sababta ay shirkadu u korodhsatay saamigeeda ay ku
yeelanayso Blooga Oodwayn xiligan oo uu baadhitaanka saliidu bilow yahay,
Mohammed Yusef Ali waxa u ku jawaabay in ay mudantahay in la dhiiri galiyo
hirgalinta mashruucan lana garb istaago. Waxa uu yidhi “Baadhitaanka saliidu
had iyo goor waa shaqo adag oo khataro badani ku jiran, gaar ahaan marka
laga baadhayo wadan sida Somaliland oo kale ah oo aan hore looga baadhin
saliid, mashruucanna waxaan bilaabay 2005 anigoo rumaysan in haddii Saliid
laga helo Somaliland ay saamayn togan ku yeelan doonto koru kaca
dhaqaalaha wadanka oo horumarkaasi uu baabiin doono hagardaamooyinka
ummadeena ee ay ka dhaxlaan abaaraha iyo shaqalaa’anta keentay baahiyo
loo maaro laayay maanta”.
Isagoo sii wada waxa uu yidhi “ Ilaahay casa wa jalla oo qudha ayuun baa og in
ay saliidi ku jirto dhulka hoostiisa laakiin rajooyinka ah in la helayo Saliid way
fiican tahay, baadhitaankan imika la wadaana waxa uu shirkadaha saliida
baadhaya u adkayn doonaa guusha laga gaadhayo rajadaas la qabo”.
Mohammed Yusef Ali waxa uu intaa raaciyay bogaadin iyo mahad naq uu
ujeediyay dadaalkii uu muujiyay Wasiirka Macadanta iyo Tamarta Somaliland
Mudane Hussien Ali Du’ale oo aad uga hawlgalay habsami u socodka hawlaha
baadhitaanka Saliida iyadoo uu muujiyay hawlkarnimo uu ugu dulqaatay
culayska ay lahayd hawshani.
Bananyta laymanka ee Blooga Odwayne ayaa manta bilaabantay iyadoo loo
diyaar garoobayo in la dhigo laymanka oo ay dabasocoto diiwaangalinta xogta
laga helayo baadhitaanka Saliida